DEG DEG RW KHEYRE oo magacaabay wasiiro cusub waxaana kamid ah shaqsiyaa...


wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay Wasiiro cusub, iyadoo la buuxiyay labo wasiir oo booskooda banaanaa, kuwaasoo bil ka hor uu Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday. 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa goor dhow warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabay illaa shan wasiir iyo wasiir kuxigeen. 

 C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, waxaa lagu bedelay wasiirkii xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan oo ay isku heyb ahaayeen. 

 1- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa wareegtada Ra’iisul wasaaraha ka akhriyay warbaahinta dowladda, waxayna kala yihiin; 

 2- Mudane C/laahi Goodax Barre, waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare. 

 3- Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka Owqaafta iyo arimaha diinta. 

 4- Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, wasiirka Xanaanada Xoolaha.

 5- Mudane C/laahi Bidaan Warsame, wasiirka Kalumeysiga iyo Kheyraadka badda. 

 6- Mudane C/qaadir Sheekh Cali Bagdaadi, wasiiru dowladaha madaxtooyada.

 7- Mudane Shawaqar Ibraahim Cabdal, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa faray wasiirada cusub in si deg deg ah xilkooda kula wareegaan.

Developed by Jago Desain