DEGDEG: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi #Farmaajo oo berri booqanaya #Jabuuti

DEGDEG: Madaxweynaha Soomaaliya oo berri booqanaya Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Safarka Madaxweynaha waxaa qeyb ka noqonaya Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, iyada magaalada Jabuuti looga diyaar garoobayo soo dhaweynta Madaxweynaha.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay salka ku haysaa sii xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la rajeynaa inuu soo afjaro mad madowga siyaasadeed ee ka dhex jira labada dal, kadib markii Jabuuti ay ka carootay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay Asmara, kaasi oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.
Developed by Jago Desain