Dowladda #Soomaaliya oo furtay qandaraas lagu naqshadeynayo #calanka dalka


Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa furtay qandaraas lagu naqshadeynayo calanka jamhuuriyadda Soomaaliyaoo ay u tartami karaan shirkadaha daabacaacadda ee guud ahaan dalka.

 Qoraal ka soo baxay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u ku saxiixanyahay,wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) ayaa lagu shaaciyay qandaraaskan cusub naqshadeynta calanka Soomaaliya. 

Naqshadeynta calanka ayaa looga jeedaa sidii midabkiisa buluugga asalka ah loogu celin lahaa,calanka Soomaaliya oo mudadii burburka dalka ay daabaceen shirkado kala duwan,kuwaasoo qaatay midabka buluugga ah,balse ku kala duwan khadda la isticmaalay oo qaar khafiifyahay,qaarna madow-xigeenyahay,halka qaar kalena buluug saa’id ah yahay. 

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan doonaysa in uusan khad kala duwan yeelan midabka buluugga ah ee lagu yaqaanno calanka dalka,islamarkaana lagu celiyo midabkiisa asalka ah oo lumay wixii ka dambeeyay burburkii dalka,sida ku xusan qoraalka lagu shaaciyay qandaraaska naqshadeynta calanka. 

Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda


Developed by Jago Desain