Madaxwayne #Farmaajo oo Ku wajahan Dalka #Suudaan


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu booqasho ku tagi doonaa todobaadka soo socda Magaalada Khartuum ee Caasimada dalka Suudaan. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay dhigiisa dalka Khartuum Cumar Xasan Al Bashiir,isagoona todobaadka soo socda gaari doono Khartuum. 

Safarka Madaxweynaha uu ku tagaayo Khartuum ayaa waxaa laga soo xigtay Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur. 

Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale.
Developed by Jago Desain