MAXAABIIS SOOMAALI AH OO KA BAXSADAY XABSIYADA LIBIYA

MAXAABIIS SOOMAALI AH OO KA BAXSADAY XABSIYADA LIBIYA

Safiirka  Soomaaliya u fadhiya  Midowga Yurub,Cali Siciid Faqi ayaa Qoraal uu soo saaray ku wargeliyay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Waalidiinta caruurtooda ku xiran yihiin jeelasha waddanka Libya,in malayshiyaad ku dagaallamay magaalada Tripoli ee caasimadda dalkaasi ay xabsiyadii albaabada u fureen.



Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradii ku jirtay Xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen,iyadoo qaarkood ay soo gaareen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro, iyadoo hal goob la iskugu keenayo dhamaan Dhalinyarada.
“Waxaa dhamaan waalidiinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Libya la ogeysiinayaa in dagaal culus uu ka dhacay magaalada Tripoli, dhawr xabsi oo Soomalida ku sugneed ayaa irida loo balaqey, waxay safaarada ka shaqeynaysaa in dhalinyarada meel la isugu keeno” ayuu yiri Danjire Cali Faqi.
Sidoo kale Safiirka ayaa xaqiijiyay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiga Ain Zara ay wali meeshooda ay ku sugan yihiin oo aysan ka bixin.
Developed by Jago Desain