Maydadka laba carruur oo laga helay xeebta #Boosaaso

Maydadka laba carruur oo laga helay xeebta Boosaaso

Xeebta Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa lagu soo waramayaa in laga helay maydadka laba carruur ah oo horay badda u qaaday.

Carruurtaan ayaa lagu soo waramayaa in maalmo la waysanaa, islamarkaana eheladooda ay baadi goobayeen meesha ay ka baxeen carruurta.
Burhaan Ismaaciil oo mid ka mid ah carruurta ay baddu liqday waalid u ah ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu soo wargeliyay maydadka labada carruurta ah inay yaalaan xeebta Magaalada Boosaaso.

Carruurtaan maydkooda ayaa waxaa laga soo helay badda dhexdeeda, waxaana soo saaray Kalluumeysatada ka jilaabata xeebaha Magaalada Boosaaso.

Waxaa la sheegay carruurtaan xilli ay ku dabaalanayeen badda in biyaha ay qaadeen, kadibna sidaasi ay ku dhinteen.
Inta badan carruurta u dabaal taga xeebaha biyaha Somaliya ayaa la kulma dhibaatooyin noocaan oo kale ah oo biyaha ay qaadaan, kadibna ay ku dhintaan.
Developed by Jago Desain