Oromo isku dishay Magaalada Boosaaso iyo sababta oo la ogaaday

Oromo isku dishay Magaalada Boosaaso iyo sababta oo la ogaaday

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay Nin Oromo ah lagu dilay Magaalada Boosaaso.

Ninkaas waxaa dilay Nin kale oo u dhashay isla Qowmiyadda Oromada,waxaana sababta lagu sheegay muran iyaga dhexmaray. 

 Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Magaalo Cad ee Magaalada Boosaaso oo ay ku badanyihiin Dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada. 

Ciidanka amaanka Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga dhigay Ninka dilka geystay,waxaana Boolisku sheegeen in ay baaritaan ku sameynayaan sababta uu u dilay Ninkaas, waxaana wararka sheegayaan iney isku dileen arimo muran dhaliyay oo ku aadan halka ay ku noolyihiin oo ah Boosaaso. 

Dadka degaanka ayaa sheegay in labada Nin ee is dishay ay muddo saaxiib ahaayeen islamarkaana degganaayeen hal Guri.
Developed by Jago Desain