Puntland Oo Martigelineysa Sanadkaan Ciyaaraha Maamul Goboleedyada…..

Puntland Oo Martigelineysa Sanadkaan Ciyaaraha Maamul Goboleedyada…..

Dowlad Goboleedka Puntland Ayaa Maanta Ku Dhawaaqay In Sanadkaan Ay Martigelinayaan Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Oo Sanadkiiba Mar Lagu Qabto Dalka.

Wasiirka Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Ee Maamulka Puntland C/Raxmaan Sheekh Axmed Ayaa Sheegay In Sanadkaan Tartanka Kubadda Cagta Ee Maamul Goboleedyada Lagu Qaban Doono Magalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Waxa Uu Sheegay Wasiirku In Puntland Ay Diyaar U Tahay In Sanadkaan Ay Martigeliso Tartanka Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada,Isla Markaana Ay Ki Jiraan Diyaar Garoowkii Ugu Dambeeyey,Xilli Uu Maanta Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Daah-Furayay Dhismaha Garoonka Kubada Cagta Ee Cawaale Oo Laga Hirgalinayo Magaaladaasi.

Sanadkii La Soo Dhaafay Ayaa Tartanka Kubbada Cagta Ee Dowald Goboleedyada Wax Auu Qorshuhu Ahaa In Lagu Qabto Magalada Kismaayo Balse Sababa Farsamo Aawgeed Loogu Soo Wareejiyey Magalada Muqdisho,Waxaan Koobkii Ku Guuleystay Oo Qaaday Xulka Matalayey Maamulka Jubbaland.

Developed by Jago Desain