Ururka ONLF Oo Si Adag Uga Hadley Madaxweynaha Cusub Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Ururka ONLF Oo Si Adag Uga Hadley Madaxweynaha Cusub Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Laba Maalmood oo rabshado ay ka dhacayeen magaalooyinka ugu waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa isbedel lagu sameeyey hogaanka cusub ee dalkasi.
Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar.
Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida.
Isaga oo Warbaahinta la hadlayey Madaxweynaha Cusub ayuu sheegay in isbedel weyn uu la imaan doono,isla markaana uu ku Shaqeyn doono aragtida Shacabka Soomaalida Itoobiya.
Developed by Jago Desain