DAAWO: Socdaalkii Qaaradaha Ee Ololaha Doorashada Musharaxa Madaxweynaha Puntland Dr. Faarax Cali Shire Oo U Talaabaya Goboladda Puntland.

Dr. Faarax Cali Shire


Musharaxa u loolamaya xilka doorashadda Madaxweynaha Puntland ee sanadka 2019 Dr. Faarax Cali Shire wuxuu dib ugu soo laabtay dalka 10ka bishan September 2018 isagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso.
Waxaa guud ahaan gobolka Bari si weyn looga soo dhoweeyey Musharaxa Madaxweyne Dr. Faarax Cali Shire iyadoo soo dhoweyntiisa ay ka qayb qaateen qaybaha bulshadda ku dhaqan gobolka Bari, wuxuuna Ololihiisa doorashada xilka Madaxweyne ee sanadka 2019 uu kaga dhawaaqayaa  15 Agoosto.
Hal-kudhigga  Ololaha doorasahda ee Dr. Faarax Cali Shire ayaa ah “RUN IYO RAJO” wuxuuna socdaal qaatay mudo dhowr bilood ah ku soo kala bixiyey waddamo badan oo ay ka mid yihiin Australia, Waqooyiga Ameerika, Kanada, Imaaraadka Caraabta, iyo Cumaan..
Hal-kudhigga  Ololaha doorasahda ee Dr. Faarax Cali Shire ayaa ah “RUN IYO RAJO” wuxuuna socdaal qaatay mudo dhowr bilood ah ku soo kala bixiyey waddamo badan oo ay ka mid yihiin Australia, Waqooyiga Ameerika, Kanada, IMaaraadka Caraabta, iyo Cumaan..
Wuxuu kaloo gaaray waddamo ku yaal Qaaradda Yurub oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Norway, Holland iyo waliba waddamo ku yaal qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin Saanbiya, Kenya iyo Ugaandha iyo Kenya.
Waddamada uu musharuxu booqday ayaa qaar ka mid ah waxaa casumaad ugu fidiyey Jaaliyadaha Puntland eek u dhaqan waddamadaas, kuwaasoo isugu jiray Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Waxgarad.
Waddamadda uu Musharuxu booqday ayuu wuxuu kala soo kulmay soo dhoweyn ballaaran oo u muujisay sida qiimaha leh ee bulshada Puntland u daneynayaan inuu wax ka bedelo dibudhaca Puntland ee dhinaca maamulka ka heysto.
Dadka arrimaha Siyaasadda falanqeeya ayay ula muuqataa in Dr. Faarax Cali Shire  uu xal u noqon karo isbedel siyaasadeed ee ka hana qaada  guud ahaan Puntland.
Minneaplis, USA
Dr. Faarax Cali Shire wuxuu ka hor jeediyey Jaaliyadaha Puntland ee ku soo dhoweysay meelo ka duwan oo daafaha caalanka ka mid ah  khudbado taariikhda galay oo kiciyey shucuurtooda, waxaana ka mid ah tii uu Bishii February 2018 ka jeediyey magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka, wuxuuna ku baaqay in uu si buuxaada u soo celin doono midnimadii reer Puntland, dagaalna uu ku qaadi doono musuqmaasuqa, isla markaasna uu hirgelin doono nidaamka Asxaabta badan ee ku dhisan Dimoqraadiyada;-
Halkan ka daawo.:-
(Khudbadii Farax ee Minn)

Mudadii uu joogay dalka Mareykanka ayaa Musharaxa Madaxweyne ee Puntland Dr. Farax Cali Shire wuxuu booqday Baarlamaanka gobolka Minneapolis, halkaasoo uu kula kulmay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah Golaha Sharci dejinta ee gobolka Minneapolis,  waxaana Xildhibaanada Baarlamaanku u sare kaceen markii uu Musharuxu uu gudaha u galay Baarlamaanka isla markaasna Xildhibaanda Ilhaan Cumar ay ku dhawaaqday inuu la joogo Musharax Faarax Cali Shire oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland, waxayna Xildhibaanadu iyagoo taagan ay sacab ku soo dhoweeyeen Musharaxa.
DAAWO:-


Kanada
Bishii Marso 2018 Wadamadda uu booqashada ku tegay Musharax Dr. Faarax Cali Shire ayaa waxaa ka mid ah dalka Kanada halkaasoo uu  kula kumay soo dhoweeyn aan horay uga dhicin dalka Kanada, waxaana hoolkii soo dhoweynta lagu soo bandhigay suugaan xiiso iyo micneba yeelatay oo lagu soo dhoweeyey Musharax Dr. Faarax Cali Shire
Daawo:
Mudadii uu Dr. Faarax Cali Shire joogay dalka Kenada ayaa wuxuu la kulmay qaar ka mid ah Jaaliyada ku dhaqan dalkaas, kuwaasoo si weyn ugaga hadlay in la gaaray xiligii isbedelka laga sugayey maamulka Puntland, maadaama aan mudo 20 sanadood ah wax badan ka qabsoomin riyadii shacabka ee aheyd in la gaaro doorasho qof iyo cod.
Daawo:-
England; London.
10kii bishii September 2017kii ayaa Musharax Faarax Cali Shire wuxuu safar ku tegay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaaladda London, halkaasoo ka mid aheyd waddamadii ugu horeeyey ee uu ka bilaabay ololihiisa musharaxnimada, wuxuuna xiligaas si taxadar leh u muujiyey inuu ku jiro han siyaasadeed, balse uusan si cad u soo hadal qaadin musharaxnimadiisa “ Dadka waxay leeyihiin Faarax waa musharax oo halkan ayuu ka sheegayaa………16 bilood  ayaa inaga xigta, laakiin Faarax haddii uu wax is bido maalintaas ayuu imaanayaa” ayuu yiri Dr. Farax Cali Shire
Daawo: 
Africa.
Haddii aynu Qaaradda Afrika dib u jaleecno safarkii Musharax Dr. Faarax Cali Shire ayuu wuxuu socdaal ku tegay dhowr waddan oo ay ka mid ahaayeen waddamada Ugaandha, Kenya iyo Saambiya.
Jaaliyadda Soomaalida uu ku dhaqan waddanka Ugaandha ayaa si diiran waxay u soo dhoweeyeen Musharaxa Madaxweyne Faraax Cali Shire, waxaana uu shirar la yeeshay qaybaha bulshda Jaaliyadda Puntland.
Sambiya
Wuxuu kaloo 5tii Agoosto booqasho ku tegay dalka Sambiya; magaaladda caasimada ah ee Lusaka, waxaana loogu soo dhoweeyey si aad u wanaagsan, waxaana xaflad lagu sharfayo Musharax Faarax Cali Shire lagu qabtay Hoteel Red son Blue oo ku yaal magaaladda Lusaka ee waddanka Zanbiya.
Ganacsatada Puntland eek u dhaqan waddanka Zanbiya ayaa waxay fududeeyeen in Musharax Dr. Faarax Cali Shire ay ku cusumeen inuu yimaado dalka Zambiya.
Mustafe Cumar Axmed oo ka mid ah Ganacsatada ku dhaqan waddanka Zambiya oo ku hadlay codka ganacsatda ayaa sheegay in Puntland ay 20 sano jirsatay ayna u baahan tahay halka ay taagan tahay ruux horay uga sii dhaqaajiya.
Waxaa iyaguna halkaas suugaan iyo buraanbur halkaas ka soo jeediyey dumarka ku dhaqan Sambiya ee Jaaliyadda Puntland.
Halkan ka daawo:-
Ugandha:-
26kii June ayaa Musharax Faarax Cali Shire wuxuu booqday Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan waddanka Ugaandha.
Jaaliyadda reer Puntland oo halkaas ku qabtay munaasibad ay ku soo dhoweynayaan Musharaxa ayaa waxaa isugu yimid rag macag weyn ku leh dalka Ugaandha, gaar Ganacsatada waaweyn ee dalkaas ku nool oo ka soo jeeda deegaamada Puntland.
“Faarax waa ku baasay Putland, Wasaarad wuxuu soo qabtay aad u qaab daran, koley aniga haddii la ii dhiibo aanan yeeleen, marba Wasaaradda maaliyadda qofku haduu ku baaso oo ilaa iminka aan la hayn guri uga dhisan Dubay iyo ……….Haddii ninkaani Madaxweyne noqdana guryahaas ma sameyn doono” Sidaas waxaa yiri nin ka tirsan Ganacsatada waddanka Ugaandha.
Ugudanbeyntiina Dr. Faarax Cali shire oo hadal u jeediyey Jaaliyada Puntland ee dalka Ugaandha ayaa sheegay in xiligan ay Puntland haysato fadhiidnimo siyaasadeed “Puntland siyaasadda madhaleys ayay ka noqotay, waxaa laga rajeynayey inay joogto heer Xisbiyo badan, heer tayo wax lagu doorto, heer dadku maskaxdooda tuujiyaan oo ay soo saaraan qofka ugu fiican” ayuu yiri Dr. Faarax.
Wuxuuna yiri “Puntland ku ceebeysan tahay, cid walbaana waa ogtahay siyaasduna halkaasay ka fashilantay, waxaa daciiftay midnimadii lagu dhisay, dadka kalsoonidiisii baa dhuntay, amnigii baa dhumay”
Wuxuu kaloo sheegay haddii aysan jirin wax tartamaya oo wax saxaya, balse qofkii Madaxweyne noqda la ag fariisto oo la yiraahdo yey meeshu inaga dumini ha joogee iska daaya, qofkuna wuxuu doono sameeyo dowladduna ay noqoneyso Madax ka nool.
Amniga, ladagaalanka Musuqmaasuqa iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha ayuu ku sheegay Musharax Madaxweyne ee Faarax Cali Shire inay noqon doonaan waxyaabaha ugu horeeya ee uu diirada saari doono haddii Alle u garto inuu Madaxweyne ka noqdo Puntland..
Daawo:
Kenya.
29kii Agoosto 2018 Musharaxa Madaxweynaha Puntland Faarax Cali shire wuxuu magaaladda Nayroobi kaga qayb galay shir ay ku marti gelisay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya u fadhida Magaalada Nayroobi, “The Charge’ d’Affaires of the Mission of the Unite States of America to the Federal Republic of Somalia”.
Dr. Farax Cali Shire ayaa wuxuu noqday Musharaxa keliya ee ka tirsan musharixiinta Puntland ee ka qayb gala munaasibadaas, waxaana ay dadka siyaasadaha falanqeeya ku tilmaameen tallaabo muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay hufnaanta siyaasadeed ee Bulshadda Caalamku ka aaminsan yihiin Musharax Madaxweyne Dr. Faarax Cali Shire

Dr. Faarax Cali Shire wuxuu kaloo socdaalkiisii qaaradaha ku soo kala bixiyey waddamo ka tirsan dowladdaha Khaliijka Carabta oo ay ka mid yihiin Dalka cumaan iyo Imaaraadka Carabta, waxaana Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan waddamaas ay u muujiyeen Dr. Faarax inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin sidii uu u noqon lahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland ka sameeya isbedel dhinacyo badan leh.
Soo Laabashadii Dr. Faarax ee dalka Hooyo.
10 Sept., Subaxnimo Isiin ah, Tobbankii barqanimo ayaa diyaarad khaas oo siday Musharaxa Madaxweynaha Puntland Dr. Faarax Cali Shire iyo wefdi la socday ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso.
Garoonka gudihiisa waxaa subaxaas ku sugnaa Kumanaan ka kooban qaybaha Bulshadda kuwaasoo sugayey soo dhoweynta Musharax Faarax Cali Shire.
Daawo.
Ugudanbeyntii.
Musharax Madaxweyne Dr. Faarax Cali shire ayaa Saddexdii maalmood ee uu joogay magaaladda Boosaaso waxaa guriga uu degan yahay ku qulqulayey dadweyne aad u fara badan, kuwaasoo uu la yeeshay kulamo gooni gooni ah.
Maalmaha soo socda ayaa la rajeynayaa in Musharuxu u dhaqaaqi doono safar dhinaca dhulka ah oo ku kala bixin doono degmooyinka iyo goboladda Puntland.
D H A M A A D.
Developed by Jago Desain