Maalinta Berri Ah Oo La Shaacinayo Liiska Xubnaha Cusub Ee Golaha Deegaanka Bosaso

Maalinta Berri Ah Oo La Shaacinayo Liiska Xubnaha Cusub Ee Golaha Deegaanka Bosaso

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa haddii ALLE idmo in la shaaciyo liiska xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Bosaso, oo maalmahan socotay qabashadiisa.

Xubnaha cusub ee golaha deegaanka ayaa waxaa ka soo dhex muuqan doona Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ah duqa ku meel gaar ah ee degmada Bosaso, iyadoo qorshuhu yahay in uu u tartamo xilka duqa deqmada Bosaso.

liiska xubnaha golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa ka koobnaan doona 31 xubnood oo laga soo kala xulay beelaha dega degmada Bosaso.
Developed by Jago Desain