Waraysi: Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu : Kaluumaysatada Gobolka waxa ay qaati ka taagan tahay Doonyaha Jariifka ah ee laga leeyahay Yaman iyo Iiraan

Waraysi: Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu : Kaluumaysatada Gobolka waxa ay qaati ka taagan tahay Doonyaha Jariifka ah ee laga leeyahay Yaman iyo Iiraan

Guddoomiyaha gobolka Gardafu Maxamuud Axmed caynab oo Waraysi gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in ay wali xeebaha gobolka Garadafuu ee Puntland ay ka jiraan kalluumaysiga sharci darrada ah , waxaana uu Sheegay in wadada kaliya ee kalluumaysga sharci darada lagu soo afjari karo ay tahay in dhalinyarada deegaanada laga howlgaliyo xeebaha gobolka si ay uilaaliyaan khayraadka gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in kaluumaysato badan oo ka shaqaysan jirtay xeebaha Puntland shaqadooda inta badan ay u joojiyeen dhibaatooyinka ay kala kulmaan doonyaha jariifka ah

Gudomiaya ayaa shegay in doonyahan intabada laga leeyahay wadamada Yaman iyo Iiraan, kuwaas oo si sharci daro ah uga kaluumaysta gobolka .

Wasaarada kaluumaysiga ayuu ugu baaqay in cabashada kaluumaysatada ay wax ka qabato.

Xigasho: warbaahinta Puntlandi

Halka Ka dhagayso warasiga gudoomiyaha 
Developed by Jago Desain