BEESHA SIWAAKHROON OO BOSASO KU QABATAY KULAN AY UGA TASHANAYSO XUBNAHA UGA MID NOQONAYA BARLAMAANKA PUNTLAND 2019


Shir si heer sare ah loosoo qaban-qaabiyey ayaa maanta uga furmay Hotel Buutaan ee magaalada Bosaso;  dhaqanka, culimadda, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo  waxgrad-ka beelaha xuseen Talareer(Siwaakhroon).

Shirkaan  ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin(Beeldaaje Calbari), Shirkaan ayaa ujeedadiisu aheyd katashiga iyo meelmarinta xubnaha Golaha Shacabka Puntland -2019, u meteli doona beesha siwaakhroon.
Furintaankii shirka ayaa Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin u sheegay guurtidii iyo waxgaradkii beesha siwaakhroon in ujeedada shirkaani tahay in ismada iyo waxgrad-ka beeshu si mug leh uga tashadaan soo xulidda xubnaha beesha uga mid noqonaya Golaha Shacabka Puntlanad 2019,
beeldaajaha ayaa dardaaran dheer u jeediyey  isimada iyo wax-gradka shirka in ay soo xulaan xubno ku sifoobay xilkasnimo, aqoon iyo hufnaan isla markaan loo tixgeliyey wax-qeybsiga beesha dhexdeeda. Waxa sidoo kale beeldaajuhu sheegay in cidda howshaani  u taalo ay tahay nabadoonada iyo wax-gradka isna uu la ogaanayo waxa ay ku heshiiyaan.
Shirkaan ayaa ahaa mid ay beeshu mudo sugeysay ayna ku dhammaayeen nabadoonadda iyo wax-garadka beesha oo isaga kala yimi dhammaan deeganada beeshu degto ee Gobolada gardafuu, bari iyo sanaag.





Developed by Jago Desain