Faallo: Dilka Jamaal Khashuqji Ma Bilowgii Dhamaadka #MBS ? !

Dhiiga Jamal Khashuqji Ma Bilowgii Dhamaadka MBS ?!

Magac iyo Musiibaba maalin bay baxaane, Talaadadii, 2dii Oktoobar 2018, waxay noqotay maalin la mida cuqubadii Casar Belo iyo kuwii la heerka ahaa ee dhiig xaqdarro ku daadatay.
Laakin tani dhawaaq dheer oo waxay noqotay dhacdo caalami ah.
Inkastoo aan 100% la hubin dilka Suxufi Jamaal Khashuqji , haddana rajada laga qabo in nolol lagu helo waa wax aad u yar.
Waa dhacdo gashay taariikhda caalamka iyadoo ay xittaa kahdeen kuwa dulmiga u hiiliya. Waxaan ku tilmaami lahaa dhacdooyinkii qarniga kuwoodii ugu foosha xumaa mid ka mida haddaysanba ahayn tii ugu guracnayd.
Suxufi Jamaal wuxuu tegay, maalintaa baas ee 2da Oktoobar , Qunsiliaydda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga , si uu qunsuliyadda uga soo dhamaysto waraaqo la xiriira guurka gabar Turkiyad ah.
Nasiib darro Jamaal dib ugama soo noqon Qunusliyadda Sucuudiga.
Sidee wax u dheceen?
Sida ay saxaafada Turkigu soo weriyeen Jamaal waa la dilay , weliba la googooyey maydkiisii, Qunsuliyadana waa laga saaray iyagoo boorsooyin waaweyn ku jira loona gudbiyay dhanka hoyga uu degenyahay Qunsulka Sucuudiga. Waxaana jariimada dilka geystay dad ay soo dirtay dawladda sucuudiga, oo markaan uu hogaamiyo dhaxal suge Maxmed Bin Salmaan oo Saddex iyo Soddon jir ah.
Sida ay wargeysyadu qorayaan waxaa dadka dilka Jamaal fuliyay tiradoodu ahayd 15 qof. Waxaana ka mid ahaa waardiyayaasha gaarka ee Maxamed Bin salmaan.
Saxaafadda Turkigu waxay qortay in ay dawlada Turkigu hayso caddaymo dhamaystrin oo muujinya dilka Jamaal. Waxayna caddaymuhu isugu jiraan maqal iyo muuqaal. Intaa waxaa dheer, waxay saxaafadda Turkigu sheegaysaa inuu weliba dilku ka dhacay Qunusliyadda dhexdeeda. Waana taas midda arinta dilka ah ka dhigaysa mid ka duwan dilalka dhaca.
Reer Aala Sucuud maaha markii ugu horeysay oo ay dadka ka fikrad duwan ee dalkooda u dhashay ay ama afduubaan ama dilaan, laakin waa markii u horeysay oo ay u bareeraan inay qunusuliyadooda dhexdeeda ku dilaan qof muwaadinkood ah.( waa haddii ay arintani ku caddaato).
Dawladda Sucuudigu, in kastoo aysan biloowgii arinta ka hadlin , haddana waxay ku adakaysanaysaa in aysan wax luga ku lahyn dilka Jamaal. Jamaalna Qunusliyadda ka baxay markuu helay waraqadihiisii. Hase yeeshee , Wax caddayna Sucuudigu uma hayo in Jamaal Qunsuliyadda ka baxay.

Maxaa dhici kara Hadday caddaato in Sucuudigu dilay Jamaal?
Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump waa nin lacagtu halbeeg u tahay. Kana diimoon dadnimo , damiir insaan iyo dulmi laga hortago amaba laga digigixdo. Wuxuuna si xishood darra ah u caddeeyay in hubka Sucuudiga laga iibiyo aanay aritan wax saamayn ah ku yeelan doonin, laakiin uu ciqaabi doono reer Aal Sucuud haddii ay dhab noqoto in ay ka dambeeyeen dilka Jamaal.
Hawsha hadda la wado waa in wejiga loo badbaadiyo Sucuudiga. Turkigana lagu qanciyo inuu hawsha asturo intii tabar ah.
Tani waa wax ka gadmi kara Turkiga oo aan doonayn in ay Sucuudiga isku dhacaan oo ay waayaan lacago farabadan oo kaga yimaada maalgashiga Sucuudiga. Iyo weliba Abaal dayn ah oo Erdogan ku yeesho Reer Aal sucuud. Markaa maslaxdda dhaqaale iyo tan siyaasadeed ayaa aad macquul u ah in ay ka weynaato midda insaaniyadeed.
Arinta labaad ee dhici karta waa in dawladda Turkigu erido Safaaradda iyo Qunsuliyadda Sucuudiga iyadoo cuskanaysa heshiiskii iyo xeerarka Vienna ee Safaradaha iyo Qunsuliyadaha Caalamiga. Laakin taas aad bay u durugsantahay inay dhacdo.
Aayaha Bin Salman
Maxamed Bin Salaman wuxuu lumiyay kalsoonidii caalamka wuxuuna burburiyay Sawirkii beenta ahaa ee uu samaystay ee ahaa inuu yahay,  nin isbedel,  hormumar baaxad leh iyo xornimo u horseedi doono dalkiisa.  Taa Lidkeeda, Ina Salmaan wuxuu xirxiray dhamaan intii ka fikard duwanayd iyo intii aan u sacaba tumi weyday sida; culimaaudiinkii, cuqaashii, indheergaradkii iyo intii xuquuqda aadahana u ololeyn jirtay.
Inkastoo dilka iyo darxumada caalamka saddexaad aan cidi ka danqan haddana, reer Galbeed sidan foosha xun ee bareerka ha in wax loo burburiyo ma ogola. Sidaa darteed, waa maahmaadhii Soomaaliyeede, nin balaayo hurshaa mar uun buu ku baxaye Maxmed Bin Salam iyo Sucuudi maanta waa loo yaabaa.
Shalay oo Axad ahay 14ka October  waxaa ku yimid hoos u dhac xoog badan Boorsadi Sucuudiga ee Tadawul, kaasoo gaaray 7% waxaana maanta hoos u dhacay qiimihii Riyaalka Sucuudiga . Waa khasaaro handiteyeed oo aad u farabadan oo ay ugu dambaysay December 2014 markii qiimaha pertolku dhacay.
Shirka Maalgashia Sucuudiga ee dhici lahaa 23ka Oktoobar waxaa haddiiba ka baaqday, UBER, , CNN, CNBC, Bloomberg, New York Times, Madaxa WorldBank ,Madaxa Virgin Group Richard  Branson, iyo qaar kaloo badan.
Taasi waxay ku kalifaysaa in uu isu wada dhiibo Donald Trump, Jared Kushnar iyo Cunsuri John Bolton , la taliyaha Trump. Waxay kaloo arintani keenaysa in reer Aala sucuud si wejiga loogu badbaadiyo ay dambiga dusha u saaraan qaar ka mid ah masuuliyiinta dalkaas oo ay caddalaada Caalimiga ah u dhiibaan.
Si kasta arintu ha ahaatee, Maxmed Binsalmaan wuuxuu luguha la galay bilowgii dhamaadka xukunka uu ku fadhiyo 16ka bilood mana muuqato si fudud oo uu uga dabbaalan karo mawjadaha dhiiga ah ee uu ku dhex jiro

W/Q:
Hussein salad
Addis Abeba – Ethiopia  
Developed by Jago Desain