Midowga Yurub oo sheegay inay qarxiyeen doon ay wateen Burcad badeeda Somalida

Midowga Yurub oo sheegay inay qarxiyeen doon ay wateen Burcad badeeda Somalida
Taliska Ciidanka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ay qarxiyeen doon ay wateen Koox Burcad Badeed Soomaali ah oo isku dayay in ay afduub gaystaan.


Qoraal ka soo baxay Ciidanka Midowga Yurub ee jooga Biyaha Soomaaliya ayey ku sheegeen in Kooxda Burcad Badeedda Soomaalida oo wateen doon yar ay isku dayeen in ay Afduubtaan Markab watay Calanka Hong Kong.
Weerarkaas oo ay sheegeen in uu fashilmay ayaa dhacay billowgii bishan October, waxaana Ciidamada Midowga Yurub oo ka jawaabayay ay qarxiyeen Doontii ay wateen Burcad Badeedda Soomaalida.
Midowga Yurub Ciidankooda ma sheegin khasaaraha ka dhashay bur burinta ay ku sameeyeen Doonto ay wateen Burcad Badeedda ay ku eedeeyeen in ay weerar isku dayayeen.
Hawlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay in doonta ay ugu tageen agabkii ay Ragga watay u adeegsanayeen Afduubka, waxaa kale oo ay intaas ku dareen in sanad iyo barkii la soo dhaafay uusan dhicin hal weerar oo guuleystay.
Burcad badeeda Somalida ayaa hoos u dhac wayn uu ku yimid weeraradii ay ka gaysan jireen biyaha Somaliya.


Developed by Jago Desain