Sacuudiga oo ku gacansaray in dambiilayaashii dilay wariye Khashogji lagu maxkamadeeyo Dalka Turkiga

Sacuudiga oo ku gacansaray in dambiilayaashii dilay wariye Khashogji lagu maxkamadeeyo Dalka Turkiga
Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga wuxuu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Sucuudiga.

Caadil Al Jubeyr oo ka hadlayay shir ka socday dalka Baxreyn wuxuu ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka inay bunbuuniyeen markii ay tebinayeen dhacdada.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Turkiga uu codsaday in loo soo gacan geliyo 18 qof oo u dhashay Sucuudiga oo looga shakinsan yahay inay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal Kaashogji.
“Arrinta ku aadan dhiibista, shakhsiyaadka waa muwaadiniin u dhashay Sucuudiga, waxaa lagu xiray gudaha Sucuudiga, baartinaada Sucuudiga ayay ka socdaan, waxaana lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka Sucuudiga” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibaddaa Sucuudiga.
Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ballan qaaday in la ciqaabi doono “Dambiileyaashii” masuulka ka ahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi ee Turkiga lagu dilay.
Asagoo ka hadlayey madasha ganacsiga ee ka dhacaysa Riyadh, Mohammed bin Salman ayaa yiri “Fal dambiyeedkaas waxa uu xanuun ku ahaa dhammaan dadka reer Sacuudi” mana noqo doono mid aan ku kala tagno Turkiga.
Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa horay u beeniyey eedaymaha sheegaya in Dhaxal Sugaha laftiisu uu kaalin ku lahaa dilka.
Khashoggi oo ahaa wariye eedeeya dhaxalsugaha ayaa 2-dii bishan October booqasho ku tagay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul oo uu ku ballansanaa halkaas oo lagu dhex dilay.

BAARGAAL.NET 
warar iyo warbixino Joogto ah 
Developed by Jago Desain