Sacuudiga oo qirtay dilka Wariye Jamal Khashoggi , shaacisayna qaabkii uu ku dhintay

Sacuudiga oo qirtay dilka Wariye Jamal Khashoggi , shaacisayna qaabkii uu ku dhintay

Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay in weriye Jamal Khashoggi uu dhintay.
Dowladda ayaa shaaca ka qaaday caawa baaritaan ay ku haysay kiiska, waxaana ay sheegtay in Khashoggi oo 60 jir ah uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, labadii October.
Xeer ilaaliyaha Sacuudiga waxa uu sheegay in Khashoggi uu dhintay kadib markii uu dagaal dhex-maray isaga iyo dad ku sugnaa qunsuliyadda. 18 qof ayaa arrintan loo xiray” ayuu yiri taleefishinka qaranka Sacuudiga.
Waxaa sidoo kale ay dowladdu sheegtay in boqor Salmaan uu ceyriyey ku-xigeenkii madaxa sirdoonka dalkaas Ahmed Assiri. Waxaa sidoo kale shaqada laga ceyriyey Saud al-Qahtani oo la taliye sare u ahaa dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.
Dowladda waxa ay sidoo kale sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono sirdoonka dalkaas kadib kiiskan.
Jamal Khashoggi oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo ku noolaa Mareykanka ayaa si aad ah uga soo horjeeday boqortooyada, waxaana la la’aa 17 maalmood, ayada oo aan dib loo arag tan iyo markii uu galay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Saraakiisha Turkiga ayaa horey u sheegay in Khashoggi ay dileen oo ay hilibkiisa cad cad u jar jareen 15 wakiil oo Sacuudiyaan ah oo Turkiga u yimid inay dilaan. Meydkiisa weli meel laguma sheego.
Developed by Jago Desain