War-murtiyeed ka kooban 20 qodob oo shirkii OIC ee Muqdisho laga soo saaray

War-murtiyeed ka kooban 20 qodob oo shirkii OIC ee Muqdisho laga soo saaray

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho,waxaana shir guddoominayay Wasiiru dowlaha  arrimaha dibadda Dowladda Qadar Mr. Sultan Al-Muraikhi.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan oo furay shirka ayaa soo dhoweeyay shirkan taariikhi ah.
Waxaana saacadaha uu shirka diirada lagu saaray horumaradii ugu danbeeyay ay gaartay Soomaaliya,sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka,waxaana shirka laga soo saaray warmurtiyadeed ka kooban 20-Qodob.
1- Shirka waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka midnimada, xasilloonida,sharafta dhulka iyo daacadnimada dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale in la kordhiyo ballanqaadyada siyasaadeed ay sameynayaan Beesha caalamka.
2. Shirku wuxuu hoosta ka xariiqay ku qanacsanaanta heshiisyada siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka (FMS) ee ku saabsan qaabka doorashooyinka 2020 iyo wadaagida khayraadka,taasi oo lagu gaaray Baydhabo bishii Juun 2018.
Heshiisyadani waxay si wax ku ool ah uga qayb qaadan doonaan isku-xirka qaab-dhismeedka Federaalka ee dawladda iyo abuurista qaab siyaasadeed oo joogto ah oo dalka loogu talagalay.
3- Shirku waxaa lagu ammaanay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Soomaalida, xasilloonida, amniga, kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada, iyo matalaad siman oo loogu talagalay haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, tan iyo doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
4 – Waxa kale oo ay garwaaqsadeen dadaalka la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Gobolka Banaadir (BRA), Baarlamaanka, hay’adaha diinta, xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo muwaadiniin badan oo Soomaali ah iyo sidoo kale bulshada rayidka ah.
5. Shirku wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay dedejiyaan bixinta taageerada maaliyadeed iyo mida lojistikada ee loo fidiyo Ciidamada amniga Soomaaliya,sidoo waxay dhinacyada shirka isku raaceen muhiimada tababarka ciidamada qaranka ee Soomaaliya si loo xoojiyo xaaladda ammaan ee dalka.
6-Shirku si adag ayuu u cambaareeyay falalka xag-jirnimada iyo dhammaan falalka argagixiso ay geystaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee ku aadan sii wadida inay weerarto dadka aan waxba galabsan, AMISOM iyo ciidamada amniga.
Waxayna adkeeyeen Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC dadaalada ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan iney kaga hortagaan rabshadaha kooxaha argagaxisada kuna soo celiyaan nabada iyo waliba dib u heshiisiinta.
7- Shirku wuxuu soo dhaweeyay aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qadarisay kagana mahad celisay Dowladaha ka qayb qaatay gurmadka iyo daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxii 14 October ee sanadkii 2017dii ka dhacay Muqdisho,waxay Dowladda Federaalka sheegtay iney ku qanacsan tahay taageeradii ay u fidiyeen dalalka Djibouti, Egypt, Qatar, Boqortooyada Sacuudiga, tSudan, Turkey iyo Imaaraadka Carabta (UAE).
8- Shirku wuxuu soo dhaweeyay natiijada ka soo baxday shirkii Iskaashiga Soomaaliya Brussels 16-17 July 2018 sidii loo sii wadi lahaa horumarka laga gaaray tan iyo shirarkii London iyo Muqdisho ee lagu qabtay May iyo December 2017, kaas oo OIC ay ka qaybgaleen.
Waxa ay ku baaqday in ay sii wadaan iskaashi caalami ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaalida si loo ogaado ujeedooyinka Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya.
9. Kulanku wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay horumaradii ugu danbeeyay ee Geeska Afrika.
10- Shirku waxa kale oo uu xusay mahad celin loo jeediyay shirka arrimaha Bani’aadamnimada oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen OIC iyo la-hawlgalayaasheeda 11-kii Abriil 2017 ee lagu qabtay Muqdisho si loo xoojiyo wada-hawlgalayaasha daneeya arrimaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Hay’adaha maxaliga NGO-yada ah iyo kuwa caalamiga sida UN, FGS iyo deeq-bixiyeyaasha si kor loogu qaado wacyiga xaaladda abaarta iyo in ay wax ka qabato saameynta ay ku leedahay dadka ugu nugul.
Dadaalka beesha caalamka iyo qurba-joogta Somalida ayaa ka caawiyay in ay ka hortagaan macluusha sannadka 2017.
11- Shirku waxa uu soo dhaweeyay dadaalka waqtigii ku habboon lagu helay ee uu bixiyay Turkiga, oo ah Guddoomiyaha Shirweynaha OIC, si uu u abaabulo Mashruucyada OIC una qiimeeyo xaaladda bani’aadamnimada ee ka jirta waddamada ay abaartu saameysey oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo helo xogta hore ee ku saabsan xaaladda bini’aadanimo si looga gudbo saameynta xun ee abaarta socota dhowrka sanadood iyadoo loo eegayo saadaasha cimilada.
12- Shirku wuxuu ka codsaday Dawladaha xubinta ka ah OIC iyo hay’adaha maaliyadeed inay sii kordhiyaan caawinaadooda ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadamnimada ee FGS iyo gobollada nugul, si loo dhiso Qaab-dhismeed Dib-u-habeyn iyo Dib-u-soo-kabasho (RRF), oo waafaqsan “Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya”.
13- Shirku wuxuu dib u eegay guud ahaan hawlaha OIC ee Soomaaliya soona dhaweeyay isbeddelka xafiiska OIC ee Kaalmaynta si uu gacan uga geysto horumarinta siyaasada iyo dhaqan dhaqaale Soomaaliya.
14. Shirku wuxuu u hambalyeeyay Dawladaha Xubnaha ka ah ee dib u furay xarumahooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyaga oo raacaya natiijooyinki ka soo baxay shirarkii heer wasaaradeed ee Kooxda oo qabtay intii lagu jiray fadhigii 72aad ee UNGA ee magaalada New York,kaasi oo diirada lagu saaray in Dowladaha xubnaha ka ah Ururka OIC Dib u furaan xafiisyadooda dibloomaasiyadeed ee Muqdisho.
15- Sidoo kale, Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka OIC,Hay’adaha Maaliyadeed,NGO-yada Islaamka ayaa loogu baaqay iney sii wadaan taageeradooda Soomaaliya si loo joogteeyo gargaarka bini-adanimo loona yareeyo dhibaatada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliya.
16. Kulanka ayaa lagu baaqay taageero dhaqaale oo toos ah loo siinayo Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo hay’adaheeda,waxaana lagu ammaanay dhaqaalaha miisaaniyada Dowladda lagu kabayo ee ay bixiyeen dalalka Sucuudiga iyo Turkiga iyo taageerada dhaqaale ee Masar oo ay ku dabooleyso adeegyada asaasiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin,si taa la mid ah OIC ayaa ku ammaantay Dowladda Qadar taageerada ay siiso Soomaaliya,waxayna wadamada kale ugu baaqeen iney sii wadaan kaalmeynta Soomaaliya.
17- Kulanku wuxuu soo dhaweeyay horumarka ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya fulinta barnaamijka saddexaad ee IMF. Shirku wuxuu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay taageeraan Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto in lacagaha deynta laga cafiyo si loo yareeyo culeyska heysta shacabka Somaaliyeed.
18.- Shirku waxa uu soo dhaweeyay hindisaha Dawlada Kuwait ee martigelinta Shirka deeqbixiyeyaasha kor loogu qaadayo Waxbarashada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Xoghaynta Guud in ay sii wadaan dadaalkooda ah in ay qabtaan Shirweynaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Siyaasadeed iyo Xagjirnimada bisha December.
19- Shirku wuxuu qadarin u muujiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Ahmed Isse Cawad taageerada iyo ka qaybqaadashadooda intaba.
Waxay sidoo kale, Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ku ammaaneen shacabka Soomaaliyeed, Madaxweynaha iyo xukuumadda dadaalkooda ku aaddan in si guul ah u furmo una soo gaba-gaboobo shirkan iyo marti-gelinta diirran ee loo fidiyay wufuudaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Xoghaynta Guud.
20- Ugu danbeyntii,Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in kullanka xiga uu dhaco 2019.
Developed by Jago Desain