Akhriso: Colaaddii Dhummay oo heshiis horu-dhac ah laga gaaray

Colaaddii Dhummay oo heshiis horu-dhac ah laga gaaray

Ergo-dhaqameed ka badan 40 xubnood oo mudda15 maalmood ah ku hawllanaa nabadeynta beelo ku dagaallamay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa qodoba horu’dhac ah ka soo saaray heshiisiinta beelahaasi.
Ergada nabadeynta oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe Laascaanood,Buuhoodle,Gaalkacyo iyo dowladda degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa hoggaaaminaya;garaad Kulmiye garaad Maxamed garaad Dool garaad Wiil Waal,waxaana ay soo saareen qodobadan hoose:
1)In Xabadda la Joojjiyo si shuruud la’aan ah.
2)In labada beelood ay nabadda qaataaan
3)In gogosha xigta ee nabadeynta la dhigo magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.
5)In labada beelood iska soo xulaan min 21 Xubnood oo ergo ah.
6)Iyo in ay ku soo diyaar-garooban mudda saddex cisho ah.
Wejiga labaad ee heshiisiinta beelaha ee loo ballamay magaalada Jigjiga ayaa lagu xallinayaa wixii dhib kala gaaray labada dhinac,iyadoo loo bandhigayo shareecada Islaamka,sida ay sheegeen ergada mabadyenta.
Developed by Jago Desain