Burcad Badeed Soomalaiyeed oo lagu laayay Xeebaha Soomalaiya ..

Burcad Badeed Soomalaiyeed oo lagu laayay Xeebaha Soomalaiya


Dooni kaluumaysi oo laga leeyahay  dalka Taiwan ayaa sheegtay in ilaaladeeda ay toogteen Koox burcad-badeed ah meel ku dhow biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya Subaxdii Arbacadii.
Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Taiwan Lin Qo-ping ayaa xaqiijiyay in Kooxdaasi la dilay ka dib markii ay doonta Weerar kusoo qaadeen xilli ay mareysay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.
Doonta waxaa u suurta gashay in ay ka cararto goobta, iyada oo dhammaan shaqaalahihii Saarnaa ay Ammaan qabaan.

Doontaan oo lagu magacaabo Taiwan Tuna Longline Association ayaa sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay xoogeystay bilihii lasoo dhaafay,islamarkaana ay dhowr jeer galeen halis ah in ay gacanta u galaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.
Waxaa looga  digay doonyaha kalluumeysiga ah ee ka shaqeynaya badweynta Hindiya in ay ka digtoonaadaan burcad-badeedda iyo in ay ka fogaadaan biyaha u dhow Soomaaliya.
Developed by Jago Desain