DEGDEG: Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho kaddib markii qarax loogu xiray gaarigiisa


Gaari Nooca raaxadda ah oo lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Iridda Hore ee Maqaayadda London Gate oo ku taalla meel u dhow Beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.
Gaariga qarxay waxaa lahaa Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibrahim oo ka mid ahaa xildhibaannada Hirshabeelle, islamarkaana ku dhintay Qaraxaasi oo loogu xiray gaarigiisa.
Waxaa sidoo kale Qaraxa ku dhintay Darawalkii waday gaariga.
Hal qof oo kale ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay Qaraxaasi uu ku dhintay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibrahim oo ka mid ahaa xildhibaannada Hirshabeelle.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay ku guuleysteen in ay halkaasi ka qaadaan dhaawacyo.
Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin ayaa noqonaya xildhibaankii 4aad ee ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhintey qarax ama weerar ay fuliyeen Al-Shabaab.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay galeen fasax labo bilood ah.
Developed by Jago Desain