Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Gondar

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Gondar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Gondar, gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan.
Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qeyb qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ah Hoggaamiyaha Isbadellada ka socda Geeska Afrika ayaa maanta soo xirtay dhar casaan ah oo ay xirtaan dadka Itoobiyaanka xilliyadda Nabadda.
Kulan ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan Hoggaamiyeyaasha, waxaana ay ugu dambeyntii soo saari doonaan war murtiyeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Developed by Jago Desain