November 12, 2018

Meydka Gabar Dhalinyaro Aheyd Oo Lagu Arkay Degmada Baraawe

SHARE


Meydka Gabadhaan oo da’ahaan lagu qiyaasay 28 jir ayaa saakay waxaa laga helay mid ka mid ah Xaafadaha Waaweyn ee degmada Baraawe Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa meydka Gabadha ka soo qaaday goob la sheegay in sixun loogu dilay sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Baraawe.
Agaasimaha guud ee isbitaalka degmada Baraawe Cabdullaahi Cabdiraxmaan Nuuraani oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in Gabadha oo meyd ah loo keenay,kadib baaritaan ay ku sameeyeen ay ogaadeen in Gabadha la kufsaday kadibna la dilay.
“Markii ana baarnay waxan ogaanay in dhowr rag ah ay gabadha kufsadeen,waxaa sidoo kale jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan iyo in Masarkii ay wadatay lagu ceejiyay,dharkeeda qaarkood xataa waa ay ka maqnaayeen ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka degmada Baraawe.
Dhacdadaas ka dhacday degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose aaya waxaa Maanta siweyn u hadal hayay Shacabka ku nool degmadaasi,iyaga oo aad uga naxay Gabadha dhibataada loo geystay.
SHARE

Author: verified_user