MUSHARAX MAXAMUUD KHALIIF XASAN JABIYE OO SI WAYN LOOGU LAGU SOO DHAWEEYAY BOSASO

MUSHARAX MAXAMUUD KHALIIF XASAN JABIYE OO SI WAYN LOOGU LAGU SOO DHAWEEYAY BOSASO

Magaalada Bosaso ayaa maanta lagu soo dhaweyey musharax Madaxweyne Puntland Eng Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland 2019.
Boqallaal dadwayne ah oo ruuxayay Calamo iyo boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyada musharax ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Bosaso.
Waxaana sida oo kale soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Maamulka Gobalka Bari,iyo qaar ka mid aha Saraakiisha ciidamadda dawlada .
Musharax Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye ayaa waxa uu la hadlay dadweynihii ka qeyb galay soo dhaweyntiisa, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay magaalada Bosaso islamarkan uu kulamo la yeelan doono bulshada inta uu joogo Bosaso.
Soo dhaweynta loo sameeyey Musharax Madaxweyne Puntland Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye ayaa si,aad ah looga dareemaya Magaaladda Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.




Developed by Jago Desain