MUUQAAL:-Turkiga Oo Ku Dhawaaqay Natiijadii Baadhitaankii Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

MUUQAAL:-Turkiga Oo Ku Dhawaaqay Natiijadii Baadhitaankii Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

Jamaal Khaashuqji waa la ceejiyey durbadii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, kadibna jirkiisa ayaa cad-cad loo jaray oo la qariyey, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay dacwad-oogaha Turkiga Irfan Fidan.
Waa warkii ugu horreeyey ee rasmi ah oo Turkiga ay kasoo saaraan suxufiga reer Sacuudi ee la dilay labadii October.

“Si waafaqsan qorshe horey loo sii dejiyey, Jamaal waa la ceejiyey illaa uu ka neefo baxo, kadibna jirkiisa ayaa la jar-jaray oo la burburiyey markii uu dhintay” ayuu ku yidhi Irfan bayaan uu soo saaray

Hadalkan ayaa beeninaya sheegashada Sacuudiga ee ah in Khaashuqji uu ku dhintay dagaal si lama filaan ah uga dhacay qunsuliyadda, oo uu u tegay inuu kasoo qaato waraaqo la xiriira guurkiisa.

Warka kasoo baxay Turkiga ayaa imanaya kadib markii dacwad oogaha Sacuudiga uu ka tegay Istanbul, wuxuuna hoosta ka xariiqayaa sida ay u yareyd wada-shaqeyta Sacuudiga iyo Turkiga ee baaritaanka kiiska.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan





Developed by Jago Desain