Rikoorradii iyo xaqiiqooyinkii laga diiwaan geliyay kullamadii xalay ee Champions League-ga.

Rikoorradii iyo xaqiiqooyinkii laga diiwaan geliyay kullamadii xalay ee Champions League-ga.

Group A
Atletico Madrid 2-0 Borussia Dortmund
Antoine Griezmann waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Atletico Madrid 20-gool ugu dhaliya Champions League-ga.

Saul Niguez waxa uu Champions League-ga ka dhaliyay Sagaal gool, waa ciyaaryahanka ugu goolasha badan Champions League-ga ciyaartoyda Spanish-ka ah tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii 2015-16.

Monaco 0-4 Club Brugge
AS Monaco waxa ay la kullantay guuldarradeedii ugu cusleyd abid ee kasoo gaarta Champions League-ga ama European Cup.

Group B
Inter Milan 1-1 Barcelona
Gerard Pique ayaa xalay saftay kullankiisii 100-aad ee Champions League-ga.
Mauro Icardi waxa uu gool dhaliyay saddex ka mid ah afarta kullan ee taariikhdiisa Champions League-ga uu ciyaaray.
Malcom ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Barcelona dhammaan tartamada, waxaana goolkiisa koowaad uu yimid muuqashadiisii afraad.
Tottenham 2-1 PSV Eindoven
Harry Kane ayaa ka qayb qaatay 14 gool  oo isugu jirta 12-gool iyo laba caawin, 14-kii ciyaar ee uu Champions League-ga kasoo muuqday.

Group C
Crvena Zvezda 2-0 Liverpool
Liverpool ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda la garaacay saddex kullan oo xiriir ah oo ay Champions League-ga bannaanka kusoo ciyaareen.
Reds waxaa laga dhaliyay hal gool wax ka badan qaybta hore ee ciyaarta markii uu horreysay tan iyo October 2014 xilligaasna waxaa 3-0 ku garaacday Real Madrid ciyaar Anfield ka dhacday.
Napoli 1-1 PSG
Napoli ayaa gulldarro la’aan noqotay afar kullan oo xiriir ah tartanka Champions League-ga markii ugu horreysay taariikhdeeda.
Lorenzo Insigne ayaa ka qayb qaatay 11 gool, sagaalkii kullan ee ugu dambeysay dhammaan tartamada uu u ciyaaro Napoli.
PSG waxa ay gashay qalad rigoore loogaga dhigay sagaal jeer 13-kii kullan ee ugu dambeysay Champions League-ga kusoo ciyaaraan bannaanka.

PSG waxa ay afar kullan xilli ciyaareedkan ku heshay Shan dhibcood, waana dhibcaheedii ugu hooseeyay marka la joogo afar kullan oo Champions League ah tan iyo xilli ciyaareedkii 2004-05, xilligaasna waa ay ka hartay Group-ka.
Developed by Jago Desain