Sawirro iyo xog cusub: Shabaabkii galay Hotel Saxafi oo laga adkaaday iyo wararkii ugu dambeeyey qaraxyada

Sawirro iyo xog cusub: Shabaabkii galay Hotel Saxafi oo laga adkaaday iyo wararkii ugu dambeeyey qaraxyada

Wararka naga soo gaaraya qaraxyada magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shabaabkii isku dayey inay galaan hotelka Saxafi dhammaantood la wada toogtay.
Saraakiisha booliska ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan afar ka mid ah Shabaabka, oo kadib qaraxii ka dhacay banaanka galay hotel Saxafi, dhammaantood la wada toogtay.
Saraakiisha ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo Shabaabka ay ku dileen gudaha hotelka, hase yeeshee waxaa macquul ah in qaraxa ka dhacay banaanka hotelka ay dad wax ku noqdeen.
Dhammaan dadkii hotelka deganaa ayaa laga saaray iminka, waxaana hotel saxafi ka muuqda burbur kasoo gaaray qaraxa, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.
Labada qarax ee kale ayaa iyaguna ka kala dhacay meelo u dhow hotel Hayat iyo xarnta CID-da
Khasaaraha rasmiga ah ee qaraxyada ayaan weli la hayn. Naga filo faahfaahin dheeri ah Insha allah.


Developed by Jago Desain