Soomaali ku xiran Xabsi ku yaalla Liibiya oo uu ku dhacay Cudurka Qaaxadda

Soomaali ku xiran Xabsi ku yaalla Liibiya oo uu ku dhacay Cudurka Qaaxadda

Dalka Liibiya ayaa laga soo sheegayaa in dhallinyaro ku jirta Xabsi ku yaalla Caasimadda Liibiya uu ku dhacay Cudurka Qaaxada ama TB-da.
Sida uu qoray Wargeyska The Irishtimes, waxaa todobaadkii hore Xabsiga dhexdiisa isku dilay mid ka mid ah Dhallinyaradaas oo laga soo celiyay dalka Talyaaniga dibna u galay xabsiga Tripoli.
Dhallinyaradii lala soo celiyay ee ku jira Xabsiga ayaa iyaguna isku soo xiray qol ka mid ah Xabsiga, kaas oo aan lahayn, Musqul, Biyo, Hawo iyo koronto midna.
Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in qofka is dilay uu dab is qabadsiiyay kaddib markii uu ka quustay in uu xorriyaddiisa helo ama ka boxo Liibiya.
Afhayeenka Hay’adda IOM ee Libiya Joel Millman, ayaa sheegay in wiilka is gubay uu caro ka qaaday sida ay ula dhaqantay dowladda Talyaaniga oo ku celisay Liibiya iyo in uu xabsiga ka bixi waayay.
Sidoo kale Xabsi ku yaalla koofurta Galbeed ee Tripoli oo lagu magacaabo Zintan una jira 180km, waxaa bishii la soo dhaafay ku geeriyooday afar qof, kuwaas oo baahi iyo nolol xumo ugu dhintay Xabsiga sida ay sheegeen saraakiisha IOM.
Developed by Jago Desain