Cabdicasiis Lafta-gareen oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed

Cabdicasiis Lafta-gareen oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed

Waxaa maantay xildhibaanada barlamaanka maamul goboleedka koonfur Galbeed at so aqlabiyad ah ugu doorteen musharax Cabdicasiis Lafta-gareen madaxweynaha Koonfur Galbeed

Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Waxaa uu meesha ka saaray in la aado wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan.

Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la aadin wareegyo kale.


Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor.

Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:-

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod

2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod

3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod


4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od

5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod

Waxaana halaabay inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen.
Developed by Jago Desain