Dabley nin ganacsade ah ku dishay Boosaaso, Aabihiisna dhaawacay

Dabley nin ganacsade ah ku dishay Boosaaso, Aabihiisna dhaawacay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, dabley hubaysan ayaa Magaaladaasi waxa ay ku toogteen nin ganacsade ahaa.
Dilka oo ka dhacay bartamaha Magaalada ayaa ninka ganacsada ah xilliga la dilaayay, waxaa la socday aabihiis oo isagana dhaawac ay gaarsiiyeen kooxihii hubaysnaa.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Maxamed Saleebaan, waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada sida wayn looga yaqaan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Kooxihii dilka gaystay ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen nin ganacsadaha ah, sidoo kalena aabihiis ay ku dhaawaceen, iyadoo goobta ay tageen waqti dambe ciidamada ammaanka Puntland oo maydka iyo dhaawaca halkaasi ka qaaday.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaasi loo gaystay ninkaasi ganacsadaha ahaa ee lagu toogtay Magaalada Boosaaso, hayeeshe muddooyinkii dambe waxaa socday beegsi kala duwan oo lagu haayay ganacsatada Magaalada Boosaaso.
Inta badan ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa waxaa loo dilaa arrimo la xiriiro dhaqaale ay waydiistaan Kooxaha Daacish & Shabaab ee ku sugan deeganada Maamulka Puntland.
Developed by Jago Desain