Guddiga xalinta khilaaafaadka oo shaaciyay inay dhamaatay qabashada Araajida xildhibaanada iyo qaabilaada beelaha.

Guddiga xalinta khilaaafaadka

Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada golaha wakiilada Puntland, ayaa maanta shaaciyay inuu dhamaaday qabashadii Araajida iyo qaabilaada beelaha ay ku imaan jireen xarunta golaha wakiilada Puntland, halkaasoo ay ka socotay shaqo baaxad leh oo beelaha lagu qaabilyay.

Guddigu wuxuu sheegay shaqadooda inay soo dhamaatay maalintii khamiistii oo ay ku taariikhdu ku beegnayd 20-ka bishaan december. wuxuuna guddigu cadeeyay inuusan aqbalidoonin cid dambe.

Hase ahaatee, guddigu wuxuu sheegay inay uyeerayaan cidii guddigu ubaahdo ee wax qabyo ka yihiin.
Developed by Jago Desain