Ilhaan Cumar oo Guddiga xalinta khilaafadka ugu baaqaday in la ilaaliyo Qoondada Haweenka Puntland

Ilhaan Cumar oo Guddiga xalinta khilaafadka ugu baaqaday in la ilaaliyo Qoondada Haweenka Puntland

Senotar Ilhan Omar oo ka tirsan Gollaha Kongress ka Mareykanka , lagana soo doorto Gobolka Minnesota oo ay Soomaalidu u badan tahay ,ayaa waxa ay baaq u dirtay dowladda Puntland ,Ismadda dhaqanka , iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, in ay ilaaliyaan xaquuqda dumarka , gaar ahaan qoondada haweenka Puntland.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in haweenka Puntland aya ku dulman yihiin dhanka siyaasada maadaama aysan ka dhex muuqay gole yaasha dowladda sida Baarlamaanka , gollaha Wasiirada , gole yaasha deegaanka iyo Wasaaradaha .

Xiligan oo ay Puntland isku diyaarinayso doorashada madaxweynaha iyo mida xulista xilidhibaanada oo la soo gaba gabeeyay ,ayaa hadana waxaan ka dhex muuqan dowladda qoondadii hawenka ee horay loogu balan qaaday.

Wasaarada haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska ayaa maalmahan magaalooyinka waawayn ee Puntland waxa ay ka waday olole lagu baadi goobayo qoonadaii hawenka ee siyaasada Puntland .

Sanadkan ilaa iyo afar dumar ah ayaa isku soo sharaxay ku raasta Baarlamaanka Puntland ,lamana hubo in ay kujiraan Baarlamaanka iyo inkale.

Hadalka ka soo yeeray Senotar Ilhan Omar ayaa ku soo aaday xil ay gabdhuhu cadaadi kala kulmaan odayaasha dhaqan ee beelaha ay ka soo jeedaan, kuwaas oo ka xigsada raga ay la tartamayaan .

Developed by Jago Desain