Madaxweyne Gaas oo magacaabay gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka Puntland

gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay Gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada dowlada Puntland.
Gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada Puntalnd ee uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa ka kooban 8 xubnood waxaana gudoomiyaha u ah Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre halka xoghayn uu yahay Maxamed Cabdiqaadi Xuseen sida ku xusan wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.
Gudiga uu madaxweyne Gaas magacaabay ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo dhursugayay iyadoona qaar kamid ah musharixiinta xilka madaxweyne ee Puntland ay ka digeen in gudigan ay ku lug yeeshaan arimaha siyaasada kana agdhawaadaan xukuumada uu wakhtigeedka gaba gabada marayo.


Developed by Jago Desain