Musharax Jabiye,” Guddiga xalinta khilaafaadku waa dad wada xil kas ah, laakiin waxaan ka sugeynaa waxa ay soo saaraan.


Musharax Eng. Maxamuud Khaliif Jabiye, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin, arrimaha doorashada, heshiiskii nabadeed ee laga gaaray colaadihii Dhummay iyo taleex ee goolka Sool iyo xaalada amni ee maaalada Bosaso.
Musharaxa oo ku hormaray arrimaha doorashada, ayaa guddiga khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada ku tilmaamay dad xil kas ah, laakiin ay mar walba aqbalaadooda ku xiran tahay waxa kasoo baxa. Musharaxa waxaa uu madaxtooyada uga digay faro galinta lagu hayo xulista xildhibaanada, taasoo haddii ay sii socoto keeni karta qalqal xumo ku yimaada kalsoonida doorashada iyo xaga amniga.
Eng. Jabiya ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada magaalada Bosaso oo waayadaan dambe laga dareemayo amni xumo, isagoo taas u sababeeyay saraakiishii loo xilsaaray amniga inay ku mashquulsan yihiin siyaasada iyo arrimaha doorashada, wuxuuna shacabka Bosaso u sheegay inay iska dulqaataan inta isbedelku imaanayo.
Musharax Jabiye ayaa dhinaca kale diray hambalyo ku wajahan heshiiskii laga gaaray colaadii Taleex iyo Dhummay ee ka dhex ooganayd beelaha walaalaha, wuxuuna u mahad celiyay Isimadii iyo waxgaradkii ka qeyb qaatay heshiiskaas nabaeed. Wuxuu sheegay inuu isagu kaalin muhiim ah ka qaatay nabadaynta dadkaas walaalaha ah, ujeedaduna ay tahay in goboladaas gacanta Puntland kusoo laabtaan.
Ugu dambayn, Jabiye ayaa diray baaq ku saabsan doorashada Puntland kusoo wajahan, isagoo sheegay qof kasta oo reer Puntland ah inay masuuliyad ka saaran tahay doorashadaas wanaageeda, una hiiliyaan isbedelka.
Developed by Jago Desain