December 14, 2018

PUNTLAND: DHANKEE U DHACAYAAN DABAYLAHA DOORASHADU? (MAQAAL)

SHARE

Kal walba amin taan oo kale, odayaasha dhaqanka ee beelaha reer Puntland waxay soo saaraan lixdan iyo lix xildhibaan. Kuwaas oo la waydiisto inay ka soo dhex xulaan koox musharaxiina ninkii haggaamin lahaa Puntland shanta sano ee soo socota. 

In kasta oo labaatankii sano oo u dambaysay musharax walba oo guulaystaayi looga fadhiyey in nidaamka wax qaybsiga beelaha uu dadka meel uun ugaga dal-doorsho, haddana mid walba oo ka midihi dhamaadka xukunkiisa ayaa shacabku ka helayey fariinmo isku mida oo ku saabsan inaan xilligaan laga gudbi karin nidaamka beelaha. Sidaas daraadeed dib loogu noqon doono sanadkaana. 
Eedda ayaa inta badan dusha looga tuuro bulshada caalamka oo lagu eedeeyo in ay ka gaabiyeen door koodii. Tani maahan wax iska dhaca, ee waa mid ku talagal loo sameeyo. Maxaa yeeley waa qaabka ugu fudud ee ay aaminsan yihiin inay dib ugu soo noqon karaan. Iyaga oo haddana og in kuwii ka horeeyay aanay shaxdaani u shaqayn.
In kasta oo doorashadii 2014kii ay ahayd doorashadii ugu horaysay ee si cad oo aan caad saarnayn cododka loogu kala gadanayey, haddana waxaad moodaa in taasi ay noqonayso wax aan mudnayn in la sheego. 
Kolka loo eego sida ay iminka wax u socdaan. Waa markii ugu horaysay, ee miisaanka doorashada Puntland aan saldhig looga dhigin qiyam iyo qaddiyad toona. Laakiin taas baddal keeda lacag lagu qotomiyey. 
Sidoo kalena waa markii ugu horaysay, ee hanti shisheeye ama sokeeye, ay dhici karto in lagu kala gato codka xildhibaanka. 
Dhanka kalana waa markii ugu horaysay, ee sicir barar xad-dhaaf ahi uu ku dhaco kursiga xildhibaanka codkiisa beecinaya. Siday doontaba ha ahaatee. Amaba qaabkii la doonaba wax ha loo baxshee, waxaa jira go’aan qaadasho cod-bixineed oo ay soomaalidu ku dhaqmaysey lixdankii sano ee la soo dhaafay. Taas oo ah ka xiisa dhaca ay ka xiiso dhacdo madaxda kolkaas xilka u haysa. Sabab aan illaa iminka, ogaalkey cidina aanay daraasad ku samayn.
SOOMAALIDU LABA GOOR QOF MA DOORATO.
Si la mida madaxwayne walba oo soomaaliya oo difaacanaya kursigiisa, ayaa madaxwayne Gaasna uu ku mashquulsan yahay xagsashada xilka uu hayo, isaga oo u maraya xirfad walba iyo xeelad walba. 
Taageera yaasha madaxwaynuhu waxa ay kuu sheegayaan inuu madaxwaynuhu haysto xajmi lacaga oo uu xildhibaano ku filan ku gadan karo iyo inuu ku guulaystey in badan oo saaxiibadiisa inuu ku soo daro golaha cusub. 
Sidoo kale waxay kuu sheegayaan jiritaanka balan qaadyo uu ka haysto beelo goboladooda ay mashaariic waa wayni ka socoto.
Laakiin caqabadda ugu wayn ee madaxwayne Gaas hortaagan ayaa ah, taariikh aan gayiga soomaaliyeed horay uga dhicin. 
Aynna adagtahay inuu isagu iminka bilaabo. 
Waa yaabe! soomaalidu waligeed hoggaamiye labo goor ma dooran. Laga soo bilaabo 1956 oo ahayd markii ugu horaysey ee soomaalidu hoggaan siyaasadeed doorato (daakhiliyadii Cabdullaahi Ciise) illaa imminka hoggaanka soomaalidu waxa uu ahaa one term president (Madaxweyne hal xilli). Ma jiro qof ay labo goor doorteen. Cabdulaahi Ciisi, Adan Cabdulle, Cabdirashiid, Cabdiqaasim, Cabdullahi Yusuf (oo laba goora Puntland iyo Fadaraal) , Shariif Ahmed, Hassan Shekh, Cigaal, Rayaale, Cadde Muse, Faroole, Siilaanyo iyo Shariif Hassan. Intuba waxay ahaayeen haggaamo hal term ah. 
Raggaan waxaa ka mid ahaa kuwo ay soomaalidu qaddarin wayn u haysay, sida Adan Cabdulle. Kuwo lacag badan u isticmaalay xagsashada kursiga, sida Hassan Shekh iyo Shariif Ahmed. Iyo kuwo geed-adayg u dhashay, sida Cabdullaahi Yusuf. 
Dhammaan tood waxaa reebay dhaqan-soomaali aanay cidina si fudud uga tillaabsan karin. Oo ah inaysan soomaalidu ninna labo goor dooran.
Marka laga reebo Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad iyo Cadde Muse, hal wax oo aan ka baranay doorashooyinkii hore, ayaa ah. In madaxwaynaha kursiga difaacanayaa uu kaalinta koobaad ka galo cod bixinta wareegga hore iyo kan xiga. Laakiin hadba musharraxa isaga ku xigaayi uu noqdo madaxwaynaha la doorto. Kolka uu ka faa’iidaysto dhaqan-soomaaligii ka xiisa dhaca ee aynu horay u soo sheegnay.

XARGO GEEL MA WADA XAJAAN
In badan oo ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxwayna nimada Puntland ayaan orodku dhab ka ahayn. Kuwa badan oo kalana laguma aamini karo masiirka ummadda.
Arigtidayda waxaa jira dhawr musharax oo ay dhici karto inay fursad ka helaan xarig- jiid kaan, haddii la helo xildhibaano wuxuun xeerinaya. Waxaana ugu horeeya labadii wasiir ee hore ee wasaaradda waxbarashada oo runtii labaduba ah rag horay loo tijaabiyey. 
Shaqadii ay ka soo qabteen wasaaraddii ay isaga dambeeyeen na uu shacabku mahadiyey. Waxaa kale oo ay si mug leh labaduba u fahansan yihiin waxa ay Puntland u jirto, sharciyadda ay ku dhisantahay iyo cidda ay wax kala dhaxeeyaan.
Wasiirkii hore ee maaliyadda, Farax Cali Shire ayaa isna leh saddex sano oo record wanaagsana, kuna saabsan maamulka maaliyadeeda. Gaar ahaan bixinta mushaaraadka. In kasta oo siyaasadda maaliyaddu ahayd qayb ka mida aragtidii madaxwaynihii xilligaas talada hayey, haddana qaabkii uu wasiirku u maamulay muddadaas magac ayay u tahay.
Waxaa isna jira nin dhalin yaraa oo gadaal uga soo biiray baratanka, dad badanina ay la dhaceen. Waa Asad Cismaan Diyaano. Asad waxa uu ka yimid hay’adda ugu wax qabadka iyo disciplinka fiican ciidammada Puntland. Dhismaha hay’addaaas na qayb wayn ayuu ka qaatay sida la iisheegay. 

Laakiin, marka laga tago yaraanta da’ diisa, Asad ma lahan waayo aragnimo siyaasadeed oo lagu maamulo dal noocan oo kalaa. Waxaase laga yaabaa waaya aragnimadiisa amni inay fursad siiso.
Arin kale oo muhiima oo aan ka baranay labadii doorasho-fadaraal ee ugu dambaysey ayaa ah, in goolka koobaad ee xildhibaanka soomaaliyeed uu yahay dhaqaalo urursi. Kan labaadna uu yahay xulista ninka wanaagsan. 

Haddaba haddii raggaan, amase cid kale oo amaano, akhlaaq iyo waaya-ragnimo wax loogu dhiiban karo lihi, midkood ku guulaysto kaalinta labaad, xildhibaanka reer Puntland abaal wayn ayuu u galay dadka reer Puntland.  Maxaa yeelay ku guulaysiga kaalinta labaad waxay soo dadajinayaa shaqaynta dhaqan-soomaaligii aan kor ku soo xusnay.
GUNNAANAD
Waxa ugu horreeye ee kuu soo baxaya marka aad doorashadaan barbar dhigto labadii doorasho ee ka horeeyey ayaa ah inay ka xamaas iyo xasarad yartahay. Marka laga reebo khilaafkii madaxda sare, oo ahaa arin uguba. 
Cabsida laga qabo in amaanku faraha ka baxo, ama ay doorashadu xasilooni daro siyaasadeed keento ayaa aad u yar. Arintaan fasiraado fara badan ayaa laga bixin karaa, laakiin aniga waxa ay iila muuqataa inay tahay jawi ka dhashay dhaqan-siyaasadeedka hoggaanka iminka jira. 
kaas oo aan ahayn nooca loo yaqaaan machiavellian oo ah madaxda wax maquunisa damaacigana ah. Si kastaba ha ahaatee, siddeeda January Puntland waxa ay yeelan doontaa hoggaan cusub. Su’aasha muhiimkaase waxaa weeye, soomaalidu ma dhaqan koodii hore ayay ku sii dhegenaan doonaan oo Gaas one term president ayuu noqon doonaa? Mise mooggaan lacagta madaxwaynaha wax difaacanaya ayaa taariikh cusub oo aysan horay u qorin dhigi doonta?
Ogow, kolka aan ku leeyahay lacag, maahan wax ku kooban madaxwaynaha kolkaas xilka haya kaligiis. Musharaxiinta kaalinta labaadi laftigoodu meesha lacag ayay ku yimaadaan. Waxaase u hiilliya dhaqan-soomaaligii aynu soo xusnay ee labo goor wax ma dooradka ahaa.
Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi
SHARE

Author: verified_user