XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Gaas Lacag u Doontay Imaaraadka

Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan Garoowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Gaas oo la aaminsan yahay inuu ku hungoobay inuu Puntland gaarsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Farmaajo. Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaarate-ka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo. Dad xogogaal ah ayaa sheegay in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska. Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ah labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso. Waxaa laga cabsi qabaa iney usoo deyriyaan madaama dhowaan ay Dubai ka balan qaaday Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonto faragalinta qaawan, oo ay ku heyso gudaha Soomaaliya. Hadii uu Gaas wax dhaqaale ah kasoo waayo Emirate-ka waxaa la aaminsan yahay inuusan wax natiijo ah ka keenin doono doorashada ka dhici doonta Puntland 8da bisha Janaayo. –

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaanaayo ee Dawlad Goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan u baxay safar aan la shaacin ujeedooyinkiisa oo uu ku gaaray Magaalada Dubai ee xarunta Ganacsiga Dawlada Isutaga Imaaraatka Carabta .

Gaas oo shacabka Puntland ku eedeenayaan  inuu ku hungoobay fulinta ballanqaadyadii uu balanqaaday markii la dooranayay oo uu ku fashilmay in uu Puntland gaarsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Fedraalka Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka yahay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaarate-ka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo.

Dad xogogaal ah ayaa sheegay in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska.

raiisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Mdane Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ahaa labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso.

lama garanaayo jawaabta ay imaaraatku siiyeen Madaxwayne Gaas maadaama dhowaan ay imaaraatku  ka balan qaadeen Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonaan faragalinta qaawan, oo ay ku heyaan arimaha  gudaha Soomaaliya.

Developed by Jago Desain