AKHRISO: Madaxweynaha Puntland oo laga sugayo xubnaha golaha wasiiraddad, yaa ku jira liiska ?

AKHRISO: Madaxweynaha Puntland oo laga sugayo xubnaha golaha wasiiraddad, yaa ku jira liiska ?

Madaxweynaha Cusub ee dawlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayey shalay u bilaabantay mudo kororsigii Magacaabista golaha wasiiradda ee uu ka codsaday baarlamaanka, waxaana uu hadda haystaa maalmo kale oo dheeraad ah kuwaas oo ku wajahan sidii uu go`aan rasmi ah uga gaari lahaa golihiisa wasiiradda ee cusub.

Shacabka Puntland ayaa ilgaar ah ku eegaya dhismaha golaha Xukuumadda ee Madaxweyne Deni, waxaana uu horey u balan qaaday wasiiro tayo leh, kuwaas oo diiradda saari doona sidii wax badan uga bedeli lahaayeen deegaanada Puntland.

Wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada ee Puntland ayaa sheegaya in uu maanta bilaabay Madaxweyne Deni kala saarida xubnaha u gudbiyey qoraalada codsiga golaha Xukuumadda cusub, wuxuuna wajahayaa cadaadiskii ugu adkaa oo uga imaanay beelaha qaarkood.
Shaqsiyaad gaar ah ayaa la hadal hayaa in ay kasoo dhex muuqan doonaan golaha Xukuumadda, waxaana kamid ah xubno horey saameyn siyaasadeed ugu lahaa arrimaha gudaha ee Puntland, sidaas oo kale latashiyada Odayaasha beelaha ayaa soo dhamaaday.
Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu ahaa musharaxa Madaxweyne balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono Puntland, isagoo soo bandhigay Barnaamij Siyaasadeed ka kooban 8 Yool iyo 66 balan qaad oo ay ka sugayaan shacabku, shanta sanno ee nagu soo beegan.
Developed by Jago Desain