DEGDEG:- Cabdixakiin Dhoobo daareed oo ku guulaystay guddoomiyaha barlamaanka Puntland

DEGDEG:- Cabdixakiin Dhoobo daareed oo ku guulaystay guddoomiyaha barlamaanka Puntland

Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo Daareed ayaa ku guuleystay doorashadii Gudoomiyaha baarlamanka Puntland, kadib markii uu heley 43 cod oo uu ka helay codaynta wareegii labaad.

Waxaa uu ku guulaystay xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed, kaasoo helay 23 cod.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu Cabdixakiin noqondoono guddoomiyaha barlamaanka Puntland shanta sano ee soo socota.



Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa ku tartamay afar murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed),Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Mudane Cabdixakiin Dhoobo ayaa helay wareegii 1aad 37 cod, Cabdijamaal Cismaan Maxamed  ayaa helay 15-cod Cabdiraxmaan Cali Jibriil ayaa helay 9-cod ,halka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  uu helay 5-cod,sida ay uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada,Ismaaciil Cabdi Abtiile.

Wareegga labaad ayaa waxaa u gudbay, Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed,kadib markii uu tanaasulay, Cabdiraxmaan Cali Jibriil oo ku soo xigay

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Calbari

Developed by Jago Desain