doorashada Puntland: Ololaha Musharixiinta Meelaha ay kala maraayaan


Waxaa lagu guda jiraa saacadihii ugu danbeeyey ee olalaha musharixiinta xilka Madaxweynaha Puntland u tartamaya ay ugu jiraan siday u kasban lahaayeen quluuba Xildhibaanadda Puntland ee tiradoodu gaareyso 66 xubnood.
Waxaa xarunta Golaha waliikada ee magaalada Garoowe si rasmi ah u bilowday diiwaangelinta murashixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, doorashada madaxtinimada Puntland iyadoo ilaa iminka ay musharixiin tiro badani buuxiyeen foomka shuruudaha looga baahan yahay musharaxa.
Ilaa iminka inta la hubo ku dhowaad Sideed musharax ayaa waxay ka hareen xilalkii ay isu soo taageen inay u tartamaan, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay u tanaasuleen musharixiin kale oo ay olog la ahaayeen.
30 saacadood oo keliya ayaa waxaa ay ka harsan tahay xiliga doorashadu ay ka dhici laheyd gudaha Baarlamaanka Puntland, waxaana berry oo Isniin ay musharixiintu jeedin doonaan khudbadahooda mudo 15 daqiiqadood ahna la qofkiiba la siin doono sida lagu sheegay qodobadii ka soo baxay Guddiga Doorashada qabanqaabineysa.
Waa sidee garaanta siyaasadeed ee Garoowe ka socota?
Inkasta oo ay tiro badan yihiin musharixiinta isu oo taagtay hogaanka Puntland ayaa misana waxaa bulshaddu tilmaameysaa musharixiin ay u arkaan inay leeyihiin miisaan siyaasadeed ama ay dhalin karaan isbedel siyaasadeed oo ka curta Puntland gudaheeda.
Musharixiinta sida weyn loo hadal hayo ayaa waxaa ugu horeeya Faarax Cali Shire oo dowladii C/raxmaan Maxamed Faroole ka soo noqday Wasiirka Maaliyada.
Waxaa Iyana si weyn loo hadal hayaa musharixiin ay ka mid yihiin Cali Xaaji Warsame, Siciid Cabdulaahi (Deni) iyo Maxamuud Khaliif Xasan .
Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ka mid musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland ayaa dadka siyaasadaha faalleeya rumeysan yihiin inuu haysto Xildhibaano la dhaariyey, kuwaasoo meel fiican keeni kara Dr. Gaas marka coddeyntu dhacdo.
Haseyeeshee, waxaa jira fikrado ay qabaan dadweynaha badankood kuwaasoo sheegaya in Dr. Gaas aysan macquul aheyn inuu mar kale noqdo Madaxweynaha Puntland, uusan heli doonin codadka Xildhibaanadu uu dhaarta mariyey badankood.
Arrintu siday doonto ha ahaatee, weli waxaa goobaha ololaha musharixiinta laga dareemayaa mashquul iyo saxmad iyadoo siyaasaduna ay ku dhex rafaneyso musharixiinta jeebabkooda
Developed by Jago Desain