Dowlada Somalia oo lagu wareejiyay 68-gaadiidka Gaashaaman ee ciidanka (Daawo Sawirada)


Waxaa saakay dekadda magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad kooban oo dowlada federaalka Soomaaliya kula wareegeysay 68-gaadiid nuuca gaashaaman ah oo ugu deeqday dowlada Qadar.
Markab weyn oo siday gaadiidka gaashaaman iyo qalab milatari ayaa maalin kahor kusoo xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidka iyo agabka Milatari dowlada Soomaaliya ugu deeqday Xukuumada Doha.
Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka milatariga ayaa kala wareegay masuuliyiin iyo saraakiil ka socotay dowlada Qadar gaadiidka gaashaamaan iyo agab kale  milatari.
Masuuliyiinta dowlada ayaa ka mahad celiyay agabkan milatari ee maanta dowlada Qadar ugu deeqday ciidanka milatariga Soomaaliya, waxa ayna sheegeen masuuliyiinta dowlada gaadiidkan iyo agabka kale lagu xoojinayo ciidanka milatariga.
Dowlada Qadar ayaa mudooyinkii dambe xoojineysay xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, waxa ayna Qadar horey u balan qaaday in ay fulineyso mashaariicyo kala duwan waxa ay sidoo kale dowlada ugu deeqday gaadiid iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.





Developed by Jago Desain