Breaking News

Faallo: Heshiiska Qarniga iyo Geeska Afrika


Loollanka dunidani waxa uu la bilowday abuurkii Nebi Aadam, markii uu Ibliis diiday in uu u sujuudo Aadam, isla markaana goobtii iyo goortii ka bixiyey ogeysiinta colaaddiisa aan dhammaatka yeelan doonin ilaa qiyaamaha.

Dagaalka Ibliis bilaabay raadkii ugu horreeyey ee dagaalkiisu waxa uu muuqday markuu Aadam iyo Xaawa ka barakiciyey hoygoodii ay ku nimcaysnaayeen.

Saameyntiisii labaad ee ugu weynayd waxa ay soo shaacbaxday markuu isku dhuftay labadii ilma Nebi Aadan ee Qaabiil iyo Haabiil.

Dilka ka dhex dhacay labada wiil ee walaalaha ah ee ilma Nebi Aadam, waxa uu ahaa mid ku salaysan damac-daneed oo shakhsi ah (Gabadh) oo koodii gardarada waday uu ku doonayey sadbursado.

Dhammaan dagaallada Aadanaha dhex maraa waxa ay ku ururaan afar nooc:

1- Dagaallo caqiido- dagaallo diimeed (Religious wars).
2- Dagaallo dhaqaale (Economic wars)
3- Dagaallo isir (Ethnic conflicts)
4- Dagaallo awoodeed- (Power Struggles)

Aragti iswaydaarsi nagu dhex maray tabobar ku saabsanaa dib u heshiisiinta oo Mac’hadka Bird ku qabtay Boosaaso sannadkii 2012, ayuu ku dooday Dr. Sadiq Enow in dhammaan dagaallada taariikhda Aadmiga ka dhacay ay salka ku hayeen loollan dhaqaale, goobtaa waxa cashar ka soo jeedinayey maalintaas oo markhaati ahaa Dr Saciid Cali Shire.

Maanta abla ablaynta dagaallada iyo taariikhdooda uma socdee aan idiin soo dhoweeyo ujeeddada qoraalkaygan.

Madaxweyne Taraamb waxa uu sannad ka hor suuqa siyaasadda keenay wax la yidhaahdo “Heshiiska Qarniga”, mashruucaasi waxa uu leeyahay laba weji oo is huwan:

1- La dagaallanka dhaqanka diinta ee caalamka islaamka ka jira.
2- Gacangelinta magaalada Qudus iyo qaybqaybinta Falastiin.

Labada mashruucba waxa kala shaqeynaya si muuqata oo aan qarsoonaynna u dhinac taagan labada xukuumadood ee Sucuudiga iyo Imaaraadka!
Labada nin ee dhalinyarada ah ee isku magaca ah, isla markaana hoggaamiya Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa ay si xawli ah ugu hawllan yihiin calmaaniyeynta labada dal iyo la dagaallanka dhaqannada diimeed iyo culimada.
Waxa ay qaateen siyaasadda madax jebinta iyo miinshaaraynta cod kasta oo ka geddisan aragtidooda.

Waxa ay si aan gabbasho lahayn ugu taageerayaan Taraamb, oo weliba iyagu u fududeynayaan sidii Israa’iil looga saari lahaa go’doonka siyaasadeed, isla markaana loo burburin lahaa cid kasta oo cadow u ah oo ay Xamaas ugu horreyso, iyada oo Qudusna loo aqoonsanayo caasimadda Israa’iil, xidhiidh diblamaasiyadeed oo toos ahna lala yeelanayo, isla markaana lagala shaqeynayo sidii gobolka Qasa iyo Saxara Siinay ee masar dib loogu maabayn lahaa oo la isugubeddelan lahaa.

Haddaba haddii dhacdooyinkaas uu Taraamb ku tilmaamay heshiishkii qarniga 21aad, waxa jira heshiis kale oo isaguna noqon doona heshiiskii Qarniga Afrika (Geeska Afrika).

Waxa socda dadaallo kuwaa hore la mid ah, haddana ka geddisan oo Itoobiya lagu mideynayo awooddeeda gudaha laguna xoojinayo wada jirkeeda, si ay u noqoto awood adag oo si dhab ah uga arrimisa Geeska Afrika.

Haddii labada Muxammad ee ibn Saaid iyo Ibn Salmaan ay u xusul duuban yihiin madaxjebinta iyo miishaaraynta cid kasta oo ka aragti duwan, Aabi Ahmed waxa uu u tafaxaydan yahay in uu dadkiisa oo dhan madax bannaani siyaasadeed iyo aragtiyeed siiyo, miiska walaaltinnimada iyo dan wadaaggtana la isugu yimaaddo.

Haddii ay Sucuudiga iyo Imaaraadku u ordayaan in Falastiin mushkiladdeeda lagu soo afjaro:

1- Yuhuudiyeynta Qudus. 2- La heshiinta diblomaasiyadeed ee Israa’iil iyo 3- Gacan gelinta Qasa, si Xamaas looga takhaluuso.

Waxa ay isla sucuudiga iyo imaaraadku u ordayaan sidii Soomaalida Geeska Afrika loogu gacangelin lahaa Itoobiya, siyaasadda waxa toos u metelaya Ra’isal wasaaraha Itoobiya Aabi Axmed, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanna waxa taageeraya labadaas sharwade iyo cidday cagaha ku qaataan, laftoodu kuma shaqeynayaan aragti siyaasadeed oo iyaga danahooda ku dhisan ee waxa ay fulinayaan agendeyaal dawlado kale u dhiibteen (Proxy war).

Waxa ay ilaha siyaasadeed ee xog ogaalka ahi tibaaxayaan in wejiga hore ee liqidda Soomaalida uu noqon doono furitaanka xuduudaha iyo gacangelinta dekedaha ugu muhiimsan geeska Afrika Saylac, Berbera, Boosaaso, Hobyo, Muqdisho ilaa Kismaayo, iyada oo weliba dekadaha qaarkood si buuxda loogu madaxbanneyn doono maamul Itoobiya iyo ciidankiisa badda ee kobcaya.

Dadka Soomaaliyeed oo wadaaga: Diin, Isir, Af iyo dano deegaanba, hore ayaa loo dhaawacay wadajirkoodii, sidaa awgeed xaaladda ay ku jiraan ma awoodaan in ay iska caabbiyaan damaca Itoobiya.

Bulshadu arrimahan socda way ku kala duwan tahay:

1- Dadka qaarkood oo tiro ahaan aad u yar, aqoonyahanka iyo culimaduna ugu mudanyihiin intaas way qaylinayaan codkoodase belaayo sheeg ayaa loo yaqaannaa, cidina ma dhegaysato, maanta Sh Aadan Siiro ayaa ka mid ah dadka ugu codka dheer/dhiiran ee arrimahaas ka diga magaaladan aanku noolahay, halka Sh Daahirna ugu cod dheeryahay puntland.

2- Qayb kale oo bulshada ka mid ahi waxa socda waa u xog-ogaal, werweerkooda ayey la noolyihiin, waxtoosintooduna aad uma muuqato mase dareen la’a.

3- Qayb saddexaad ayaa jirta oo iyagu qayb libaax ka qaadanaya fulinta ajenddeyaasha lagu iibinayo dalka, ama ugu yaraan aan danba ka lahayn dhaxalwareegga dhulkan iyo dadkiisa, kooxdani waxa ay u badan tahay siyaasiyiin.

4- Qaybta afraad waa dadka intooda badan oo waxa socdaaba uma dhacsana oo waxba kama oga, mana daneeyaan ogaanshihiisa, waagu maalinta uu beryo ayuun bay cadceeddu u soo bixi doontaa.

Awoodaha kala duwan ee ku hawllan ka midho dhalinta heshiisyadaas ujeeddadoodu waa sidii Itoobiya bad u heli lahayd (Danta Itoobiya) iyo Sidii ay marin biyooddada Geeska Afrika gacan aamin ah u geli lahaayeen (Sheegashada sucuudiga iyo imaaraadka).

Labada arrimood dhexdooda waxa ku lumaya dal iyo dan ay lahaanjireen dad la odhan jiray ٍSoomaali !
Talo Allaa ku filan, xil baase ku saaran.
Dr-Abdulqani Beder.

No comments