Kadib Dr, Saadaq Eenow , Musharax kale oo ka soojeedagobolka Mudig oo ku dhawaaqaya murashax madaxweyne ku xigeen Puntland

Kadib Dr, Saadaq Eenow , Musharax kale oo ka soojeedagobolka Mudig oo ku dhawaaqaya murashax madaxweyne ku xigeen Puntland

Siyaasi reer Mudug ah oo lagu magacaabo Cabdusalaan Salwe ayaa la sheegayaa, in uu maanta Garoowe kaga dhawaaqayo murashax madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Mudane Salwo ayaa suxufyiinta Garoowe ku wargeliyay, in uu saacadaha soo socda shaacin doono murashaxnimadiisa xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee doorashada 8-da Jannaayo oo mudda laba maalmood ah ka harsan yihiin.
Salwo ayaa la garab ah murashaxa madaxtinimada Puntland, Dr Cali Ciise Cabdi oo ah ninka keliyah ee ka sharraxan gobolka ay Puntland iyo Somaliland ku muransan yihiin ee Sool.
Saadiq Eenow oo shalay ku dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen iyo Cabdusalan Salwo oo maanta shaacinaya ayaa ka soo kala jeeda; gobollada Mudug iyo Karkaar oo aan looga baran, in ay u tartamaan xilka madaxweyne ku xigeenka.
Labada ninba waxaa la sheegayaa, in ay xulufo hoose la yihiin Dr Cali Ciise Cabdi oo u sharrraxan doorashada madaxweynaha Puntland,waxaana ay raadinayan xilka madaxweyne ku xigeenka.
Developed by Jago Desain