Mushaxaha Saadiq Eenow oo sheegay in uu u tanaasulay Dr. Cali Ciise Cabdi

Mushaxaha Saadiq Eenow oo sheegay in uu u tanaasulay Dr. Cali Ciise Cabdi

Mushaxaha Saadiq Eenow ayaa maanta Garoowe kaga dhawaaqay in uu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Puntland.

Murashaxa oo goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu u tanaasulay murashaxa kale ee Dr Cali Ciise Cabdi oo isna u taagan xilka madaxweynaha dowladda Puntland ee doorashada 8-da Jannaayo 2019 oo mudda saddex maalmood ah ka harsan yihiin.

Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa waxaa u tartamaya ilaa 30 murashax,waxaana la filayaa in qaarkood tanaasulan ka hor intan la gelin hoolka ay ka dhacayso doorashadu maalinta Talaadada ah ee ku beegan 8-da bishaan Jannaayo.
Developed by Jago Desain