HAMBALYO: SICIID C/LAAHI DENI OO LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA PUNTLAND

SICIID DENI OO LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA PUNTLAND

Siciid Cabdullahi Deni ayaa ku guuleystay codbixintii doorashada Madaxweynaha Puntland oo saaka ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garowe.

Wareega ugu danbeeyey ee codbixinta ayaa waxaa ku tartamay Siciid Cabdullahi Deni iyo Gen.Asad Cismaan Cabdullahi oo ahaa labadii murashax ee ugu cododka badnaa wareegii kowaad iyo labaad ee codbixinta 66ka xildhibaan.

1) Siciid Cabdullahi Deni ayaa helay 35 cod
2) Gen.Asad Cismaan Cabdullahi ayaa isaguna helay 31 cod


Siciid Cabdullahi Deni ayaa noqonaya Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota, isagoona horey uga mid ahaa xubnaha sida weyn loo hadal hayey inay doorashada ku guuleysan karaan.

Deni ayaa wareegii kowaad ee codbixinta helay 20 cod oo isku duuban, taasi oo muujineysay taageerada uu ka heysto Xildhibaanada, wuxuuna ahaa musharaxii kusoo xigay Gen.Asad oo wareegii koowaad helay 17 cod.

Asad Cismaan Cabdullahi oo ah murashaxa ugu da’ada yaraa ee tartanka ku jiray ayaa isagu wareegii labaad cododka hogaaminayey, isagoo helay 30 cod, halka Deni uu helay 29 cod iyo Farax Cali Shire oo wareegaas ku haray oo helay 7 cod oo kaliya. Waxaana muuqata in Deni uu taageero fiican ka helay cododkii murashax Faarax Cali Shire.

Wareegii kowaad ee codbixinta ayey ku hareen murashaxii badan oo si weyn loo hadal hayey, waxaana kamid ahaa Madaxweynaha xilka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Murashax Maxamuud Khaliif Jabiye oo labadu kala helay 8 iyo 7 cod, murashaxiinta kale ayaa helay wareegii koowaad codad aad u yar.

Madaxweynaha cusub ayaa la dhaariyey wuxuuna khudbad kooban oo uu golaha kasoo jeediyey ugu mahadnaqay Guddiga doorashada ee hawsha waday iyo waliba maamulkii hore ee hogaaminayeen Madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Camey.

Gen.Asad Cismaan oo ka hadlay goobta ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiweli Gaas oo isaguna khudbad kooban kasoo jeediyey goobta ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Cabdiraxmaan Faroole oo horey usoo noqday Madaxweynaha Puntland hadana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isbedal xalaal ah uu ka dhacay Puntland.

Wafuuda ka socota UN-ka iyo IGAD oo kamid ahaa marti sharafta goobta ku sugnaa ayaa iyaguna u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo waliba shacabka Puntland, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan oo ay doorashada u dhacday.

Islaan Ciise oo kamid ah Issimada Puntland ee goobta ku sugan ayaa hadalo dardaaran ah usoo jeediyey Madaxweynaha la doortay.

Shabakada Baargaal.net
isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain