Xoghayaha guud ee QM oo ku dhawaaqay inuu wakiil cusub usoo magacaabayo Soomaaliya

Xoghayaha guud ee QM oo ku dhawaaqay inuu wakiil cusub usoo magacaabayo Soomaaliya


Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay shaaca uga qaaday in wakiilkiisii Soomaaliya Nicholas Haysom aan dalka laga rabin (persona non grata)

Gutteres ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu kalsooni buuxdo ku qabo Mr. Hasyom, oo uu ku tilmaamay nin khibrad leh oo goobaha adeegga dadweynaha ee caalamka aad looga xushmeeyo, kuwaasi oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan.

Waxa uu sheegay in xeerka persona non grata uusan qaban shaqaalaha QM.

Waxa uu yiri “Sida ku cad xeerka 1961 ee Vienna, kuna saabsan xiriirada diblomaasiyeed, waxaa persona non grata isku adeegsan kara laba waddan, sidaas darteed QM ma ahan waddan”


Waxa uu intaas ku daray “sidaas oo jirta, haddana waxaa xoghayaha guud ee QM ahaan iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya. UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida”

“Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri.

Xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay inay ka go’an tahay caawimaadda dadka Soomaaliya, iyo dadaallada ay ku gaarayaan nabad, xasilooni iyo baraare.
Developed by Jago Desain