“Yaan la’idin layn” – Faroole oo u digay odoyaasha soo xulay xldhibaanada Puntland

Faroole

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa cabsi iyo wel wel ku abuuray odeyaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada cusub ee Puntland iyo gudiga xulista iyo ansixinta baarlamaanka.

Faroole oo ku dhawaad 30 daqiiqo shir jaraa’id oo uu Garoowe ku qabtay warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in uu ka baqayo in wixii Muqdisho ka dhacayey 2017 ee lagu gummaaday ergooyinkii soo xulay baarlamaanka ka dhacdo Puntland.

Walow, uu yara qishay in Al-Shabaab ka dambeyn kareyn toogashooyinkii, qarixii iyo weeraraddii lagu laalay inta badan ergooyinkii soo doortay baarlamaanka Soomaaliya, hadana waxa uu ku nuux nuuxsaday in loo laayey sababo la xiriira wax is dabamarin ay ku soo sameeyeen xulistii baarlamaanka.

Faroole oo taas ka duulaya ayaa ku cabsi galiyey gudiga iyo odayaasha dhaqanka ee Puntland kuwaas oo magacaabay 66-da xildhibaan ee maamulkaas in uusan xaalkooda ku dambeyn isla sidaas ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.

Xalay ayaa si rasmi ah loo shaaciyey magacyada 66-da xildhibaan ee Puntland iyada oo ay doorashada Madaxweyne dhici doonto 8-da Janaayo 2019.
Developed by Jago Desain