Daawo Sawirada: Munaasibad Lagu Taageerayay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Xildhibaanada iyo Golaha wasiirada cusub ee Puntland Oo lagu qabtay Magaalada Baargaal

Daawo Sawirada: Munaasibad Lagu Taageerayay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Xildhibaanada iyo Golaha wasiirada cusub ee Puntland Oo lagu qabtay Magaalada Baargaal


Munaasibad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayay hogaanka cusub ee Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Cusub ee Dawlada Puntland Dr siciid C/laahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed karaash yo Afhayeenka golaha wakiilada PL mudane C/xakiin Maxamed Axmed Dhooba Daareed iyo golaha wasiirada Cusub ee uu soo dhisay madaxwaynuhu iyo xildhibaanada cusub ee Dawlada Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kal duwan ee bulshada, oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Baargaal abuukar axmed yuusuf indhacade iyo xoghaya degmada siciid cawil dhuxul ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa ka soo qaybgalayaashii munaasibada siyaasiyiin, aqoonyahano, Nabadoono Cuqaal waxgarad,haween iyo dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo badan 


Ugu horeyntii waxaa ka hadlay munaasibada Guddoomiyaha Degmada Baargaal Mudane abuukar indhacade asagoo sheegey in ujeedada xafladdu ay tahay taageeridda xukuumada cusub ee madaxwayne siciid c/laahi denni uu soo dhisay asagoo sheegay inay u rajaynaayaan inay noqoto mid dadka iyo dalka wax badan u qabata

Gudomiyaha ayaa intaasi ku daray in gobolka gardafuu uu wali yahay gaari-waa u baahan in wax laga qabto wadooyinkiisa iyo sidii adeegyo loosoo gaarsiin lahaa asagoo ugu baaqay mdaxwaynaha cusub iyo xukuumadiisaba inay waxqabadkooda ka bilaabaan wadada kalabayr caluula oo ay horay u dhagax dhigeen si wadajir ah madaxwaynaha dawlada fedraalka soomaaliya mudane Maxamed c/laahi farmaajo iyo madaxwaynihii hore ee Puntland Dr. C/wali maxamed Cali gaas

intaasi kadib waxaa hadalka qabsaday caaqil Faatax Cali C/raxmaan oo marka hore  soo dhaweeyay madaxda cusub laga bilaabo madaxwaynha ilaa golaha wasiirada cusub oo uu caaqilku dhamaan u hambalyeeyay , asagoo u sheegay inay wasaaradu shaqadood wada gaarsiiyaan dalka dhamaantiis 

ugu danbayntii waxaa sidoo kale madasha munaasibada hadallo isugu jira soo dhoweyn, hambalyeyn, taageero iyo talooyin kasoo jeediyay dad isugu jira culumaa-udiin, aqoonyahanno, siyaasiyiin, abwaano, Hooyooyin , dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo dhamaantood 
sheegay In madaxda cusub laga sugayo inay fuliyaan balanqaadyadoodii ay ku galeen tartankii doorashooyinka waxay munaasibadu ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan

SHABKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka CAlbari 
BAargaal@gmail.com












Developed by Jago Desain