Gaalkacyo: Afar qof oo loo xiray dilka gabar 12 jir ah


Puntland ayaa shaacisay goor dhow in afar qof loo xiray fal foolxun oo lagu la kacay gabadh yar oo lagu kufsaday magaalada Galkacyo, kadibna la dilay.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir oo dadka loo soo xiray dilkan ka hadlay ayaa sheegay in cadaaladda la marin doono, waliba meel fagaare ah.

"Haddii ay ku caddaato afartaba waa dil toogasho" ayuu yiri.

Wuxuu inta ku daray in sharciga uu go'aan ka gaari doono dhacdadaan oo aysan aqbali doonin odayaal dhaqameed inay soo farageliyaan.


"Anigu waxaan u maleynaya nin xishoonaya ama alle ka baqaya inuusan oraneyn ninkii fara xumeeyay gabadha yar yaan la dilin adeer baan u ahay iyo Aabban u ahay". ayuu raaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug.


Dhinaca kale, allaha u naxaristo Caasho Ilyaas Aadan, oo ahayd 12 jir dhigata fasalka 6aad ee dugsiga dhexe ayaa maanta lagu aasay qabuuraha waqooyi ee magaalada Gaalkacyo,waxaana wali socda baaritaan la xiriira dadkii kufsaday kadibna dilay,iyadoo dhacdadaan si isku mid ah bulshada Soomaaliyeed uga argagaxeen kana caroodeen.
Developed by Jago Desain