Meydka Gabar 12 jir ah oo muddo la baadi goobayay oo laga helay Gaalkacyo iyo calaamado lagu arkay

Meydka Gabar 12 jir ah oo muddo la baadi goobayay oo laga helay Gaalkacyo


Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in waaberigii saaka lagu arkay mid kamid ah xaafadaha magaalada Meydka gabar yar oo muddo la raadinayay.
Meydka Gabadha oo da’deeda aheyd 12 sano jir  ayaa la dhigay guriga ehelka raadinayay gabadhaasi yar oo la sheegay inay ka maqneyd maalmihii ugu dambeeyay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Waxaa magaca Gabadha lagu sheegay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 sano jir aheyd, waxaana jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan, sida ehelkeeda ay sheegeen.
“Meydka Gabar da’yar ayaa saaka lagu arkay magaalada Gaalkacyo, waxaa la soo hor dhigay guriga ehelo ilaa xalay baafinayay, Caaisha Ilyaas Aadan oo 12 sanno jir aheyd”
“Isbitaalka wayn ayaa hada la keenay meydka Gabadha oo muujinaya in si fool xun loo jir dilay, sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil caafimaad”, sidaasi waxaa sheegay wariyaha Caasimada Online ee gobolka Mudug.
Dhacdadaan ayaa aad loga hadal hayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana socda baaritaanka la xiriira dadka ka dambeeya falkaasi ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.
Developed by Jago Desain