Arday ku geeryootay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso


Afar arday ayaa ku geeryooday 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

Ardaydan ayaa kusii jeeday deegaanka Laag 00 30km ujirta Boosaaso, kaddib markii gaarigii ay wateen uu waddada ka baxay.

Wararka ayaa sheegaya ardayda inay dhiganayeen fasalka afaraad ee dugsiga sare ugaas yaasiin, ayna ku guda jireen maalmo farxadeed oo ay doonayeen inay ku qaataan deegaanka Laag, kahor munaasabadoodii qalin jebinta.

Saraakiishu ma faahfaahin shilkan sabata dhalisay,balse saraakiil caafimaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda lala tacaalayo xaaladda caafimaad ee ardayda ku dhaawacmay shilka.
Developed by Jago Desain